Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo tababar u furay garsoorayaal iyo xeer ilaaliyaal kala duwan “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 2, 2020
in Wararka
0
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo tababar u furay garsoorayaal iyo xeer ilaaliyaal kala duwan “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka ayaa maanta furay wajiga saddaxaad ee tababar la siinayo macalimiinta Garsoorka Dalka, kaasi oo ay ka qeybgaleen garsoorayaasha Heer Federaal iyo Heer Dowlad goboleed iyo sido kale Xeer ilaliyayaasha oo ka kala yimid dhamaan dowlad goboleedyada iyo dowladda Dhaxe ee dalka.

Tababarkaan oo socon doono muddo 10 maalin ah ayaa waxaa lagu baranayaa hannaanka dhageysiga Maxkamadaha, qaadidda Qiraalka iyo Maamulka Macalmiinta, waxaana bixinayay macalimiin ku sugan dalka New-Zealand ayada oo la adeegsanayo aaaladda Fogaan Aragga,

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay ujeedka tababarkan uu yahay sidii loo horumarin lahaa garsoorka Dalka, isla markaana loo gaarsiin lahaa isku filnaansho.

Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre ee Dalka ayaa kula dardaarmay dadka tababarka la siinayo in ay ka faa’iideystaan casharada la siinayo si ay uga mid noqdaan macalmiinta tababarka ka bixin doono Machadka.

Tababarkaan aya waxa uu qeyb ka yahay tababaro dhowr ah oo kor loogu qaadayo aqoonta iyo xirfadda dadka ka shaqeeya Garsoorka dalka si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan adeeg Garsoor oo hufan.

Previous Post

Waddada xariirisa Isgoosyada 4 Darjiino  iyo Towfiiq oo dib u dhis lagu sameynayo “SAWIRRO”

Next Post

Roobabkii ka da’ay Caasimadda oo saameeyay shacabka Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Roobabkii ka da’ay Caasimadda oo saameeyay shacabka Muqdisho “SAWIRRO”

Roobabkii ka da’ay Caasimadda oo saameeyay shacabka Muqdisho “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In