Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa magacaabay Guddiga doorashooyinka heer Dowlad Goboleedka Galmudug
Ujeeddo: Magacaabidda Guddiga Doorashooyinka heer Dowlad Goboleedka Galmudug.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug.
Markuu Arkay: Qodobka 50aad farqaddiisa 5aad, ee Dastuurka Dowlad Goboleedka Galmudug;
Markuu Arkay: Heshiiskii doorashooyinka oo ay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah si wadajir ah u gaareen 1da OKTOOBAR 2020, Kaas oo lagu go’aamiyay dhismaha guddiyada doorashooyinka qaranka iyo Xalinta Khilaafaadka heer federal iyo heer Dowlad goboleed.
Markuu tixgaliyey: Muhiimadda ay leedahay in la dhiso guddiga Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed;
Wuxuu Magacaabay
Qodobka 1aad.
- Fahmo Xasan Maxamuud
- Maxamed Daahir Guuleed
- Cabdiraxmaan Ismaaciil Shire
- Maxamed Qaasim Maxamuud
- Cabdicasiis Nuur Yuusuf
- Maxamed Axmed Nur
- Maxamed Cabdiraxmaan Cabdullahi
- Xaawo-kiin Maxamed Cali
Qodobka 2aad.
Xeerkan wuxuu dhaqan galayaa marka uu saxiixo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug.
Halkan ka akhriso