Friday, October 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxwayne Farmaajo oo kulan la qaatay qaar Ka mid ah Dhallinyarada Soomaaliyeed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
5 years ago
in Wararka
0
Madaxwayne Farmaajo oo kulan la qaatay qaar Ka mid ah Dhallinyarada Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa kala hadlay doorkooda ku aaddan dib u dhiska dalka, adkeynta dowladnimada, hoggaaminta iyo horumarinta bulshada.

Madaxweynaha oo ka jawaabay weydiimaha dhallinyaradii kulanka ka soo qeyb galay ayaa tilmaamay in dhallinyaro badan oo ku xirnaa Xabsiyo shisheeye ay dowladdu dib ugu soo celisay dalka, kuwaas oo haatan sharaf iyo karaamo ugu nool dalkooda, qeybna ka ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee u taagan in ay mustaqbal wanaagsan u horseedaan dalka iyo dadka.

Related posts

TURKSOM kaalin intee ah ayeey ku leeyihiin dhismaha ciidanka dalka?

TURKSOM kaalin intee ah ayeey ku leeyihiin dhismaha ciidanka dalka?

October 10, 2025
Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza

Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza

October 10, 2025

“Dhallinyarada Soomaaliyeed waa cududda dalkeenna. Waa waajib Qaran in lagu dhiirri geliyo ka miro dhalinta hiigsigooda iyo dadaalkooda ku aaddan dib u dhiska dalka. Dowladda aan hoggaaminayo waxaa ka go’an xaqiijinta kaalinta dhalliyarada ee siyaasadda, arrimaha bulshada, difaaca dalka iyo dhaqaalaha.

Madaxweynaha ayaa dhallinyarada la wadaagay dadaalka dowladdu ay ku bixisay awoodsiinta dhallinyarada ee hoggaaminta hay’adaha dowladda iyo Ciidamada Qalabka Sida, taas oo lagu xaqiijinayo qorsheyaasha ku qotoma xaqiijinta dowlad Soomaliyeed oo horumarsan, ilaalisana madax-bannaanideeda iyo Sharafka shacabkeenna.

Dhankooda dhallinyarada goob joogga ku ahaa kulanka, ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay mudnaanta uu siiyey dhallinyarada iyo kalsoonida uu ku qabo awooddooda hoggaamineed, waxa ayna soo bandhigeen sida ay uga go’an tahay mideynta cududda dhallinyarada oo ah awoodda ugu badan ee bulshada, si looga miro dhaliyo qorsheyaasha la dagaallanka qabyaaladda iyo musuqmaasuqa.

Previous Post

Ra’isul wasaaraha Itoobiya oo soo saaray qoraal uu uga hadlaayo xaalada ka taagan dalkaas.

Next Post

Wasiirka Awqaafta Galmudug oo ka qeyb galay xuska dhalashad Nabigeena (NNKH) oo lagu qabtay Bandiiradley “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Awqaafta Galmudug oo ka qeyb galay xuska dhalashad Nabigeena (NNKH) oo lagu qabtay Bandiiradley “SAWIRRO”

Wasiirka Awqaafta Galmudug oo ka qeyb galay xuska dhalashad Nabigeena (NNKH) oo lagu qabtay Bandiiradley “SAWIRRO”

TURKSOM kaalin intee ah ayeey ku leeyihiin dhismaha ciidanka dalka?

TURKSOM kaalin intee ah ayeey ku leeyihiin dhismaha ciidanka dalka?

October 10, 2025
0

Ciidamada Qalabka Sida ee Turkiga (TSK) ayaa laga soo bilaabo sanadkii 2017-kii illaa hadda sii wada Tababarada iyo dhoolatusyada ciidan...

Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza

Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza

October 10, 2025
0

Xukuumadda Israa’iil ayaa ansixisay qorshaha wajiga koowaad ee xabad joojinta Gaza,kaas oo dhigaya in qeybo kamid ah gaza ay Israel...

Adeeg loogu talagalay maareynta gal-dacwadeedyada oo Muqdisho laga hirgaliyay

Adeeg loogu talagalay maareynta gal-dacwadeedyada oo Muqdisho laga hirgaliyay

October 10, 2025
0

Qaar kamid ah madaxda hay’adaha ugu sareeya Cadaaladda dalka ayaa ka qeybgalay kulan la xiriiray soo bandhigga adeeg dhanka computerka...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

October 9, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey saddex heshiis oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In