Wednesday, September 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Gargaarka iyo UNHCR oo ku ballamay wadashaqeyn.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Gargaarka iyo UNHCR oo ku ballamay wadashaqeyn.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan fogaan arag ah oo dhexmaray wasiirka wasaaradda Gargaarka iyo Mareeynta masiibooyinka XJFS Xil. Khadiija Maxamed Diiriye iyo masuuliyiinta UNHCR oo ku aadanaa arrimaha bini’aadanimo ee Soomaaliya ayaa lagu gorfeeyay arrimo ay ka mid yihiin Qaxootiga, Barakacayaasha, Roobka Deyrta iyo Raadadkii ay reebeen fatahadihii dalka ka dhacay.

Madaxda UNHCR ayaa tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay hirgelinta sharciga dhowrayo barakacayaasha, waxa ay xuseen in ahmiyad gaar ay u leedahay wasaaradda Gargaarka iyo Mareeynta Masiibooyinka.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

September 8, 2026

“UNHCR waxaan isla garanay in daryeel dhab ah la siiyo dadka banaanka joogo ee xaalad walba u nugul waqtigan. Dowladda Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa cid walba oo kala qeyb qaadaneyso daryeelka dadka Soomaaliyeed, Weli waxaa muuqdo raadadkii fataahaadda, Roobkii Deyrta ayaa lagu guda jiraa, iyadoo qaar badan oo dadkeena ah ay wajahayaan xaaladdo adag.”

Wasiirka Gargaarka Xil. Khadiija Maxamed Diiriye oo sii hadleysay waxa ay tiri: “Dadka la rabo inay gacan isa siiyaan waa anaga, aan duceysano iskuna tashano, mar walba waxaan aaminsanahay inaan si wanaagsan isku caawin karno, xaaladdii is-garab-istaaga ayaan ku jirnaa.”

Sidoo kale arrimaha hor-tebinta leh wasaaradda horyaallo waxaa ka mid ah sameeynta Istaraatiijiyadda Maareynta Musiibooyinka.

Tan iyo markii ay xafiiska la wareegtay wasiirka waxaa deeqdii ugu horreysay ay ka timid dowladda Masar, waxana lagu wareejiyay maamulka gobalka Banaadir si ay u gaarsiiyaan dadka nugul ee caasimadda ku nool.

Previous Post

Mas’uulinta Safaarada Soomaaliya ee K/Afrika oo Socdaal wacyi galin ah oo ay kula hadlayso Jaaliyada Soomaaliyeed ka bilowday Gobolada Dalkaasi+(SAWIRRO).

Next Post

Wasiirku-Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, JFS oo kulan la qaatay Maamulada Dugsiyadda ay gacanta ku hayso Dowlada Federalka.

Next Post
Wasiirku-Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, JFS oo kulan la qaatay Maamulada Dugsiyadda ay gacanta ku hayso Dowlada Federalka.

Wasiirku-Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, JFS oo kulan la qaatay Maamulada Dugsiyadda ay gacanta ku hayso Dowlada Federalka.

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah ugu...

Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

September 8, 2026
0

Munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweyn diirran loogu sameeyay Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor Gaashaanle...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya

September 8, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay wehliyaaan Wasiirada Gargaarka iyo Haweenka Koonfur Galbeed, ayaa...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo soo xiray Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta XFS oo soo xiray Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta soo xiray Shirweynaha Madasha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In