Munasabadda ay ku qalin jebinayeen 73 arday oo baratay cilmiga diiniga ayna soo qabanqaabisey Jaamacadda Qur’aanka Kariinka ayaa waxaa ka qeybgalay Xildhibaanno, siyaasiin aqoonyahanno iyo walidiinta ardeyda qalin jalinjabineysay
Agaasimaha Waaxda Shaqada, Shaqaalaha iyo Tabarada ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdirixiin Ciise Cadoow oo ku hadlayey magaca waalidiinta ardayda qalinjabisay ayaa kula dardaarmay ardayda inay dadaalkoodii Waxbarashada ay halkoodii ka sii wadaan.
Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Quraanka Kariimka Cabdala Cabdala Sabriye oo munaasabadda ay ku qalin jabinayeen ardayda hadal kooban ka jeediyey ayaa sheegay in waxbarashadu ay muhiim u tahay qofkasta.
Ardayda ayaa noqonaya dufcaddii ugu horeysay ee Jaamacadda ka qalin jebisa, waxaana ardayda la guddoonsiiyay shahaadooyin iyo hadiyo kale.