Wasaaradda Gaashaandhiga dalka Faransiiska ayaa sheegtay in ay dileen Ba Ag Moussa oo ahaa Horjoogihii koox Al-qaacidda xiriir la leh oo ka dagaalanta dalka Mali .
Wasiirka difaaca faransiiska Faransiiska Florence Parly ayaa sheegay in howlgalka lagu qaarajiyay horjoogahan ay qeyb ka qaateen ciidan dhanka dhulka ah ka duulay iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca .
Wuxuu sheegay in aritan ay guul weyn u tahay ciidanka faransiiska iyo kuwa Mali
Ba Ag Moussa oo horay u ahaan jiray askari ka tirsan ciidanka Mali ayaa ku biiray kooxaha argagaxisada ee dalkaasi ka dilaacay sanadkii 2012.
Waxaa la sheegay in uu mas’uul ka ahaa weeraro badan oo laga fuliyay gudaha dalka Mali