Tuesday, February 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Culumada Al-Bayaan oo kulan wacyigelin ah u qabatay Safaaradda iyo Jaaliyadda Soomaalida ee Konfur Afrika “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Hay’adda Culumada Al-Bayaan oo kulan wacyigelin ah u qabatay Safaaradda iyo Jaaliyadda Soomaalida ee Konfur Afrika “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Culumada Al-Bayaan ee Pretoria ayaa kulan u qabatay Madaxda Safaaradda iyo Qaar ka mid ah Waxgaradka iyo Ganacsatada Dalka Konfur Afrika, waxaana loogu hadlayay isku xirka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Pretoria iyo Safaaradda.

Kulankan oo ahaa mid is xog wareysi ayaa diiradda lagu saaray dhibaatooyinka Jaaliyadda, gaar ahaan bilaha November iyo December ee sanad dhamaadka, waana xilliyada ugu badan dilalka iyo dhac loogu geysto ganacsatada Soomaalida tuulooyinka dalkaasi.

Related posts

Ra’iisul Wsaaraha XJFS oo xarigga ka jaray waddo casri ah oo laga hirgaliyey Degmada Wadajir ee Muqdisho

Ra’iisul Wsaaraha XJFS oo xarigga ka jaray waddo casri ah oo laga hirgaliyey Degmada Wadajir ee Muqdisho

February 3, 2026
Wafdi sare oo uu horkacayo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo gaaray Baydhabo

Wafdi sare oo uu horkacayo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo gaaray Baydhabo

February 3, 2026

Waxgaradka iyo Ganacsatada ka hadlay kulanka waxa ay Madaxda Safaaradda ka codsadeen inay ka caawiso dhibaatooyinka xagga Waxbarashada dhallaanka soo koraya, Isbitaalada oo Hooyooyinka qaarkood cabasho ka muujiyeen iyo sharciyada.

Danjire Maxamed Cali Mire ayaa uga mahadceliyay Culumada Al-Bayaan kulankan ay u qabatay Safaaradda iyo Ganacsatada magaalada Pretoria, waxa uuna Danjiruhu ballanqaaday inay ka shaqeyn doonaan xiriirka Dowladda Koonfur Afrika iyo Ganacsatada isagoo dhan kale ka codsaday ganacsatada inay dhistaan Jaaliyad isku xiran.

Intii uu kulanka socday waxaa jiray su’aalo ku saabsan adeegyada ay bixiso Safaaradda, waxaana lagu ballamay in la joogteyn doono kulamada noocani ah ee isku xirka Jaaliyadda Pretoria iyo Madaxda Safaaradda.

W/D: Cabdiqaadir Axad Dhaqane, Pretoria.

Previous Post

Ethiopia oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay rag lala xiriirinayo argagaxisada Al-Shabaab iyo Daacish

Next Post

Golaha Wasiirada Puntland oo ansixiyay Miisaaniyadda 2021-ka “SAWIRRO”

Next Post
Golaha Wasiirada Puntland oo ansixiyay Miisaaniyadda 2021-ka “SAWIRRO”

Golaha Wasiirada Puntland oo ansixiyay Miisaaniyadda 2021-ka “SAWIRRO”

Ra’iisul Wsaaraha XJFS oo xarigga ka jaray waddo casri ah oo laga hirgaliyey Degmada Wadajir ee Muqdisho

Ra’iisul Wsaaraha XJFS oo xarigga ka jaray waddo casri ah oo laga hirgaliyey Degmada Wadajir ee Muqdisho

February 3, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray waddo casri ah oo dhererkeedu yahay...

Wafdi sare oo uu horkacayo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo gaaray Baydhabo

Wafdi sare oo uu horkacayo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo gaaray Baydhabo

February 3, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa-bannaan iyo Xuduudaha Qaranka Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, Guddoomiye Mudane Yuusuf Cabduqaadir Maxamed iyo Xoghayaha Gudiga Mudane...

Haweeney horay dil u geysatay oo dil toogasho ah lagu fuliyey.

Haweeney horay dil u geysatay oo dil toogasho ah lagu fuliyey.

February 3, 2026
0

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa toogasho lagu fuliyey Hodan Maxamuud Diiriye oo  Maxkamad ku taalla Puntland ay dil toogasho ah horay...

Duqeymo culus oo laga fuliyey deegaano hoostago Masaajid Cali Gaduud.

Duqeymo culus oo laga fuliyey deegaano hoostago Masaajid Cali Gaduud.

February 3, 2026
0

Duqeyn culus ayaa saacadihii dambe ee xalay lagu beegsaday Khawaari muddooyinkii dambe godad ka qodanayay deegaanka Geedi-xeyr oo Waqooyi kaga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In