Saturday, August 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Culumada Al-Bayaan oo kulan wacyigelin ah u qabatay Safaaradda iyo Jaaliyadda Soomaalida ee Konfur Afrika “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 14, 2020
in Wararka
0
Hay’adda Culumada Al-Bayaan oo kulan wacyigelin ah u qabatay Safaaradda iyo Jaaliyadda Soomaalida ee Konfur Afrika “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Culumada Al-Bayaan ee Pretoria ayaa kulan u qabatay Madaxda Safaaradda iyo Qaar ka mid ah Waxgaradka iyo Ganacsatada Dalka Konfur Afrika, waxaana loogu hadlayay isku xirka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Pretoria iyo Safaaradda.

Kulankan oo ahaa mid is xog wareysi ayaa diiradda lagu saaray dhibaatooyinka Jaaliyadda, gaar ahaan bilaha November iyo December ee sanad dhamaadka, waana xilliyada ugu badan dilalka iyo dhac loogu geysto ganacsatada Soomaalida tuulooyinka dalkaasi.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Madaxa Xafiiska Soomaaliya ee Save the Children

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Madaxa Xafiiska Soomaaliya ee Save the Children

August 2, 2025
Ciidanka NISA oo howlgal ay ka fuliyeen Afgooye kusoo qabtay labo xubnood oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo hawl ku dhabar-jebiyay dhagar-qabeyaal ka tirsan Khawaarijta

August 2, 2025

Waxgaradka iyo Ganacsatada ka hadlay kulanka waxa ay Madaxda Safaaradda ka codsadeen inay ka caawiso dhibaatooyinka xagga Waxbarashada dhallaanka soo koraya, Isbitaalada oo Hooyooyinka qaarkood cabasho ka muujiyeen iyo sharciyada.

Danjire Maxamed Cali Mire ayaa uga mahadceliyay Culumada Al-Bayaan kulankan ay u qabatay Safaaradda iyo Ganacsatada magaalada Pretoria, waxa uuna Danjiruhu ballanqaaday inay ka shaqeyn doonaan xiriirka Dowladda Koonfur Afrika iyo Ganacsatada isagoo dhan kale ka codsaday ganacsatada inay dhistaan Jaaliyad isku xiran.

Intii uu kulanka socday waxaa jiray su’aalo ku saabsan adeegyada ay bixiso Safaaradda, waxaana lagu ballamay in la joogteyn doono kulamada noocani ah ee isku xirka Jaaliyadda Pretoria iyo Madaxda Safaaradda.

W/D: Cabdiqaadir Axad Dhaqane, Pretoria.

Previous Post

Ethiopia oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay rag lala xiriirinayo argagaxisada Al-Shabaab iyo Daacish

Next Post

Golaha Wasiirada Puntland oo ansixiyay Miisaaniyadda 2021-ka “SAWIRRO”

Next Post
Golaha Wasiirada Puntland oo ansixiyay Miisaaniyadda 2021-ka “SAWIRRO”

Golaha Wasiirada Puntland oo ansixiyay Miisaaniyadda 2021-ka “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Madaxa Xafiiska Soomaaliya ee Save the Children

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Madaxa Xafiiska Soomaaliya ee Save the Children

August 2, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’addu ku qaabilay Madaxa Xafiiska Soomaaliya...

Ciidanka NISA oo howlgal ay ka fuliyeen Afgooye kusoo qabtay labo xubnood oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo hawl ku dhabar-jebiyay dhagar-qabeyaal ka tirsan Khawaarijta

August 2, 2025
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka...

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukuntay askari muwaadin u dilay”Maxaad Ii Soo Fiirisay.”

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukuntay askari muwaadin u dilay”Maxaad Ii Soo Fiirisay.”

August 2, 2025
0

Dable Booliis Bakar Cabdicasiis Maxamed oo ka tirsan Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Haramcad, ayaa lagu eedeeyay dil kas ah...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dhismaha waddo cusub

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dhismaha waddo cusub

August 2, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhagax-dhigay dhismaha waddo laami ah oo laga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In