Friday, October 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safaaradda Soomaaliyeed ee K/Afrika oo kulan u qabatay Ardayda Soomaaliyeed ee dalkaas.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
November 15, 2020
in Wararka
0
Safaaradda Soomaaliyeed ee K/Afrika oo kulan u qabatay Ardayda Soomaaliyeed ee dalkaas.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safaaradda Soomaaliyeed ee K/Afrika ayaa kulan u qabatay Ardayda Soomaaliyeed ee dalkaasi,waxaana kasoo qeybgalay Madax ka socotay Jaamacadaha UNISA,Vaal iyo Jaamacadda Johannesburg, Wasaaradaha Waxbarashada hoose iyo sare iyo Hay’adaha taageera Waxbasharada iyo Dhallaanka ku dhashay dalkaan kana qalanjibayay Dugsiyada Sare iyo kuwa laga keenay Soomaaliya oo ka helay K/Afrika Deeq Waxbarasho.

Madaxda ka socotay qaar ka mid ah Jaamacadaha K/Afrika oo ka jeediyay kulanka lagu qabtay Xarunta Safaaradda waxa ay xuseen xiriirka ay labada dal ee dhanka Waxbarashada inuu yahay mid wanaagsan,waxaa sanadkii tagay Soomaaliya ku deeqday Jaamacada ku taalla Pretoria in kabadan sodon kun oo buugaag ah.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo qabatay kulanka dhameystirka Qorshaha Qaranka ee ka hortagga abaarta

Hay’adda SoDMA oo qabatay kulanka dhameystirka Qorshaha Qaranka ee ka hortagga abaarta

October 3, 2025
Afhayeenka Ciidanka Xoogga oo kulan dhiirigalin ah la qaatay ciiidamo ku sugan Mahadaay

Afhayeenka Ciidanka Xoogga oo kulan dhiirigalin ah la qaatay ciiidamo ku sugan Mahadaay

October 3, 2025

Sidoo kale Kulankan ayaa lagu dhiiragaliyay Ardada dhameysay Dusiga Sare inay ka miro dhaliyaan dadaalkooda,kulankan ay Sanad walba Safaaradda u qabato Ardayda Soomaalida ayaa ka hadlay Ardada qaarkood waxeyna ugu mahadceliyeen doorka ay Safaaraddu ka qaadato isku xirka Ardada iyo Jaamacadaha.

Danjire Maxamed Cali Mire oo isna ka hadlay ayaa ugu mahadceliyay Dowladda K/Afrika garab istaagga iyo xiriirka wanaagsan ay la leeyahay Dowladda Soomaaliya.
Uqeybasanaha Waxbarashada Cabdi Xalane Xirsi oo Xafiiskiisa qabtay kulankan ayaa sheegay in kulan uu yahay mid lagu dhiiragalinayo Ardada Soomaalida.

Safaaradda Soomaaliya ee K/Afrika ayaa waddo dadaalo ay dib ugu soo nooleynayso xiriirada Jaaliyadda iyo Dowladda k/Afrika kadib cudurka Covid19- oo hakad ku yimid shaqooyinka Safaaradda.

Previous Post

Xaflad soo dhawayn ah oo magaalada Istanbuul loogu sameeyay Madaxwayne Lafta-gareen

Next Post

Dowladda Armenia oo sheegtay in ay ka hor tagtay isku day dil oo lala damacsanaa Ra’iisul Wasaare Nikol Pashinyan.

Next Post
Dowladda Armenia oo sheegtay in ay ka hor tagtay isku day dil oo lala damacsanaa Ra’iisul Wasaare Nikol Pashinyan.

Dowladda Armenia oo sheegtay in ay ka hor tagtay isku day dil oo lala damacsanaa Ra’iisul Wasaare Nikol Pashinyan.

Hay’adda SoDMA oo qabatay kulanka dhameystirka Qorshaha Qaranka ee ka hortagga abaarta

Hay’adda SoDMA oo qabatay kulanka dhameystirka Qorshaha Qaranka ee ka hortagga abaarta

October 3, 2025
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulanka Xaqiijinta iyo Dhameystirka Qorshaha Qaranka ee Tallaabooyinka Kahortagga Abaarta...

Afhayeenka Ciidanka Xoogga oo kulan dhiirigalin ah la qaatay ciiidamo ku sugan Mahadaay

Afhayeenka Ciidanka Xoogga oo kulan dhiirigalin ah la qaatay ciiidamo ku sugan Mahadaay

October 3, 2025
0

Afhayeenka Ciidanka ee Wasaaradda Gaashaandhigga Sheekh Abuukar Macalin ayaa Kulan baraarujin ah oo la xiriiray habsami u gudashada waaibaadka qaran...

C/Laahi Xayir” Dalxiiska haddii uu kordho waxaa kordhaya fursadaha shaqo ee ay heli karaan bulshada”

C/Laahi Xayir” Dalxiiska haddii uu kordho waxaa kordhaya fursadaha shaqo ee ay heli karaan bulshada”

October 3, 2025
0

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay kulan...

HSJ iyo Dowladda Ingiriiska oo xoojinaya iskaashiga maamulka socdaalka iyo xuduudaha*

HSJ iyo Dowladda Ingiriiska oo xoojinaya iskaashiga maamulka socdaalka iyo xuduudaha*

October 2, 2025
0

HSJ iyo Dowladda Ingiriiska oo yeeshay booqasho qiimeyn ku saabsan Maamulka Xuduudaha, si sare loogu qaado Kaalinta Kaalmaynta Amniga iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In