Tuesday, December 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mareykanka Dhimashada COVID-19 Waxay Dhaaftay 250,000

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
In ka badan 81-kun oo Qof oo Covid19 uu Ku dilay Caalamka.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

In ka badan rubuc milyan qof ayaa COVID-19 ugu geeriyootay Mareykanka, sida ay sheegtay jaamacadda Johns Hopkins University oo aruurisa xogaha safmarka coronavirus.

Mareykanka ayaa laga diiwaan geliyay 250,029 oo ruux oo dhimasho ah, waana dalka ugu dhimashada badan caalamka, waxaana xiga dalka Brazil cudurka corona ugu geeriyoodeen 166,699 oo ruux, India oo ku jirta kaalinta sadexaad ayaa dhimshada waxay maraysaa  130,993 oo ruux halka Mexico 99,026 qof u dhinteen safmarka coronavirus.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

December 16, 2025
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo daahfuray tababar loo qabanayo howlwadeennada doorashooyinka

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo daahfuray tababar loo qabanayo howlwadeennada doorashooyinka

December 16, 2025

Madaxweyne  Donald Trump oo had iyo jeer hoos u dhigay khatarta cudurka ayaa isu soo bax ka sheegay in doorashadii sadexda bishan ka dhacday Mareykanka uu ku guul dareystay Joe Biden.

Trump wuu diiday in uu qirtay in tartanka looga adkaaday maamulkiisana waxaa ay isku dayayaan in ay hor istaagaan xil wareejinta isagoo adeegsanaya hanaanka garsoorka wadanka Mareykanka.

Arbacadii, madaxweynaha la doortay Joe Biden waxaa uu ka dhigay, “ Ma heysano waxyaabo badan  oo aan kaga hor tagno sida qalabka la isaga ilaaliyo tallaalka COVID-19.

Biden ayaa sidoo kale sheegay in faafitaanka cudurka hoos u dhigayso haddii loo ogaansamo tilmaamaha caafimaadka, sida kala fogaanshaha, xirashada af-xirka iyo tilmaamaha kale.

Magaalada New York waxaa la xirey dugsiyada si loo xakameeyo faafitaanka cudurka safmarka ah ee coronavirus.

Mareykanka arbacadii, waxaa laga diiwaan geliyay in ka badan 1,000 qof oo dhimasho ah iyo 150,000 oo kiisas cusub ah.

Biden ayaa shacabka Mareykanka ka codsaday in ay xirtaan af-xirka isla markaan ku dedaalaan kala fogaanshaha ilaa laga soo saarayo tallaal rasmi ah.

 

Previous Post

Hargeysa Qaban qaabada Aaska AUN Cumar Carte ayaa Ka Socota

Next Post

Ra’iisul wasaare Rooble oo la kulmay Guddiyada Doorashooyinka heer Federaal  iyo xalinta Khilaafaadka+Sawirro

Next Post
Ra’iisul wasaare Rooble oo la kulmay Guddiyada Doorashooyinka heer Federaal  iyo xalinta Khilaafaadka+Sawirro

Ra’iisul wasaare Rooble oo la kulmay Guddiyada Doorashooyinka heer Federaal  iyo xalinta Khilaafaadka+Sawirro

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

December 16, 2025
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Axmed Cabdullahi (Abukaate), ayaa ka qaybgalay shirkii labaad...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo daahfuray tababar loo qabanayo howlwadeennada doorashooyinka

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo daahfuray tababar loo qabanayo howlwadeennada doorashooyinka

December 16, 2025
0

Guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan ayaa si rasmi ah u daahfuray tababar ballaaran oo loo qabanayo in ka badan 4,000 oo...

Wasaaradda duulista hawada oo ku dhawaaqay mashaariic lagu horumarinayo garoonka Aaden Cadde

Wasaaradda duulista hawada oo ku dhawaaqay mashaariic lagu horumarinayo garoonka Aaden Cadde

December 16, 2025
0

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Mohamed Farah Nuux, oo ay weheliyaan saraakiil sare oo ka...

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 22-aad. Kulanka waxaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In