Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mareykanka Dhimashada COVID-19 Waxay Dhaaftay 250,000

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
6 years ago
in Wararka
0
In ka badan 81-kun oo Qof oo Covid19 uu Ku dilay Caalamka.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

In ka badan rubuc milyan qof ayaa COVID-19 ugu geeriyootay Mareykanka, sida ay sheegtay jaamacadda Johns Hopkins University oo aruurisa xogaha safmarka coronavirus.

Mareykanka ayaa laga diiwaan geliyay 250,029 oo ruux oo dhimasho ah, waana dalka ugu dhimashada badan caalamka, waxaana xiga dalka Brazil cudurka corona ugu geeriyoodeen 166,699 oo ruux, India oo ku jirta kaalinta sadexaad ayaa dhimshada waxay maraysaa  130,993 oo ruux halka Mexico 99,026 qof u dhinteen safmarka coronavirus.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Madaxweyne  Donald Trump oo had iyo jeer hoos u dhigay khatarta cudurka ayaa isu soo bax ka sheegay in doorashadii sadexda bishan ka dhacday Mareykanka uu ku guul dareystay Joe Biden.

Trump wuu diiday in uu qirtay in tartanka looga adkaaday maamulkiisana waxaa ay isku dayayaan in ay hor istaagaan xil wareejinta isagoo adeegsanaya hanaanka garsoorka wadanka Mareykanka.

Arbacadii, madaxweynaha la doortay Joe Biden waxaa uu ka dhigay, “ Ma heysano waxyaabo badan  oo aan kaga hor tagno sida qalabka la isaga ilaaliyo tallaalka COVID-19.

Biden ayaa sidoo kale sheegay in faafitaanka cudurka hoos u dhigayso haddii loo ogaansamo tilmaamaha caafimaadka, sida kala fogaanshaha, xirashada af-xirka iyo tilmaamaha kale.

Magaalada New York waxaa la xirey dugsiyada si loo xakameeyo faafitaanka cudurka safmarka ah ee coronavirus.

Mareykanka arbacadii, waxaa laga diiwaan geliyay in ka badan 1,000 qof oo dhimasho ah iyo 150,000 oo kiisas cusub ah.

Biden ayaa shacabka Mareykanka ka codsaday in ay xirtaan af-xirka isla markaan ku dedaalaan kala fogaanshaha ilaa laga soo saarayo tallaal rasmi ah.

Previous Post

Hargeysa Qaban qaabada Aaska AUN Cumar Carte ayaa Ka Socota

Next Post

Ra’iisul wasaare Rooble oo la kulmay Guddiyada Doorashooyinka heer Federaal  iyo xalinta Khilaafaadka+Sawirro

Next Post
Ra’iisul wasaare Rooble oo la kulmay Guddiyada Doorashooyinka heer Federaal  iyo xalinta Khilaafaadka+Sawirro

Ra’iisul wasaare Rooble oo la kulmay Guddiyada Doorashooyinka heer Federaal  iyo xalinta Khilaafaadka+Sawirro

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In