Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Hoggaamiyeyaasha Wadamada G20 ayaa dib u taageeray helitaan caalamiga ah ee ‘loo siman yahay’ ee tallaalka COVID-19.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
5 years ago
in Wararka
0
Shirka Hoggaamiyeyaasha Wadamada G20 ayaa dib u taageeray helitaan caalamiga ah ee ‘loo siman yahay’ ee tallaalka COVID-19.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hoggaamiyeyaasha 20-ka waddan ee ugu dhaqaalaha badan adduunka ayaa ballan-qaadaya Axadda maanta ah si loo hubiyo in si caddaalad ah loogu qaybiyo tallaallada COVID-19, dawooyinka iyo tijaabooyinka adduunka oo dhan, sida ku xusan war-murtiyeed qabyo ah oo ay soo saareen, si loogu  taageero waddamada saboolka ah ee la daalaa dhacaya ka-soo-kabashada cudurka faafa ee coronavirus.

Cudurka faafa ee ‘COVID-19’, ayaa dhaqaalaha adduunka ku tuuray hoos u dhac aad u qoto dheer sannadkan iyadoo loo baahanyahay dadaalo dheeri ah si loo xoojiyo dib-u-soo-kabashada dhaqaale ee 2021, Arrinta ayaana ahayd kuwa ugu sarreeya ee ajandaha Shirkan.

Related posts

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026

“Wax dadaal ah ugama hari doonno sidii aan u hubin lahayn helitaankooda iyo sinnaanta ay u heli karaan dadka oo dhan, iyadoo la raacayo ballanqaadyada xubnaha ee dhiirrigelinta hal-abuurnimada,Waxaan aqoonsannahay doorka tallaalkan ballaaran inuu yahay wanaag guud oo caalami ah” ayay hoggaamiyeyaasha G20 ku sheegeen dukumintiga qabyada ah oo ay soo saareen islamarkaana Nuqul ka mid ah ay heshay wakaaladda wararka ee Reuters.

Dhibaatooyinka mataanaha ah ee aafada iyo soo-kabashada aan la hubin ee caalamiga ah ayaa hareeyay maalintii ugu horreysay ee shirkan oo laba maalmood socday kaasoo uu guddoominayay Dalka Sacuudi Carabiya, Islamarkaana ku wareejinaya madaxtinimada G20 Dalka Talyaaniga bisha soo socota.

Boqorka Sacuudi Carabiya Salmaan Bin C/casiis ayaa sheegay “Waxaan ku rajo weynahay horumarka laga sameeyay horumarinta tallaalka, qalabka daaweynta iyo qalabka baaritaanka ee COVID-19, laakiin waa inaan ka shaqeynaa abuurista xaaladaha helitaanka qalabkan oo la awoodi karo oo loo siman yahay dhammaan dadka Dunida oo dhan ayuu ku yiri khudbadiisii ​​furitaanka shirka.

“Waxaa waajib nagu ah inaan kor u qaadno caqabadda si wada jir ah inta lagu guda jiro shir madaxeedkan oo aan farriin adag oo rajo iyo kalsooni siinno dadkeenna annaga oo qaadaneyna siyaasado lagu yareynayo dhibaatadan,” ayuu u sheegay hoggaamiyeyaasha adduunka.

Previous Post

Guddoomiyaha Shabeellada hoose oo maanta booqanaya Baraawe

Next Post

Wasaaradda Gargaarka iyo Mareeynta Masiibooyinka XJFS oo ka digeysaa duufaano.

Next Post
Dowladda oo Qalab Caafimaad iyo Dawooyin Gaarsiisay Degmada Xudur ee Gobalka Bakool

Wasaaradda Gargaarka iyo Mareeynta Masiibooyinka XJFS oo ka digeysaa duufaano.

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In