| Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Dekedda Muqdisho oo kamid ah ilaha muhiimka ah ee dhaqaalaha dalka.
Ujeedka kormeerka ayaa ahaa sidii loo hubin lahaa adeegyada ay shacabka Soomaaliyeed u hayso dekeddu iyo in qiimeyn lagu sameeyo dhaqan galka heshiiskii lagu horumarinayay dekedda ee dhowaan ay kala saxiixdeen Dowladda Federaalka iyo Shirkadda Alberak . Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixinno la xiriira howllaha socda ka dhageystay Wasaaradda iyo maamulka dekedda, waxayna warbixin guud ka dhiibeen adeegyada ay bulshada u hayaan, gaar ahaan isbadallada horumarineed ee qeybaha dekedda lagu sameynayo. Eng. Rooble ayaa soo indha-indheeyey qeybaha kala duwan ee dekedda, waxuna boggaadiyey shaqada socota ee loogu adeegayo shacabka Soomaaliyeed, isagoo kula dardaarmay in la sii dardargeliyo. Kormeerka ayaa waxaa ku weheliyey Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Filish.
|
MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYBGALAY QALIN-JABINTA ARDAYDA MACHADKA DARAASAADKA AMNIGA
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen in ka badan 500 oo...




















