Sunday, June 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaare ku” xigeen Mahdi “Waxaan u diyaar u nahay doorasho”.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul wasaare ku” xigeen Mahdi “Waxaan u diyaar u nahay doorasho”.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

-Ra’iisul wasaare ku xigeen Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka qeyb galay shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka gobolada waqooyi ee (Somaliland) oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho ayaa ujeedkiisu ahaa taageerada guddiyada doorashada ay xukuumaddu magacowday

Shirkan oo ay soo qaban qaabiyeen qeybaha kala duwan ee bulshada gobolada waqooyi ee ku dhaqan Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaanada labada golle ee Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiiro, Salaadiin, Siyaasiyiin, Musharaxiin, Haween iyo Dhalinyaro, dhammaantoodna si wadajir ah ayay u cadeeyeen mowqifkooda Doorashooyinka Soomaaliya iyo sida ay u taageersan yihiin guddiyada doorashada.

Related posts

Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

June 7, 2026
Hay’adaha Amniga oo shacabka ku wargeliyay inay dib ugu laaban karaan xaafadda Marinaayo iyo degmada Cabdicasiis

Hay’adaha Amniga oo shacabka ku wargeliyay inay dib ugu laaban karaan xaafadda Marinaayo iyo degmada Cabdicasiis

June 7, 2026

Mudane Mahdi Maxamed Guulleed ayaa carabka ku adkeeyay in  dalka uu aadaayo doorasho xiligeeda ku dhacda laguna kala nabad galo.

“Waxaanu diyaar u nahay doorasho, waxaan diyaar u nahay in doorasho loo dareero oo aan is doorano, laguna kala nabad galo.  Muran kasta oo yimaada wuxuu dib u dhigayaa doorashada,  Taa macnaheedu ma waxa ay tahay doorasho diyaar uma ahiye dib ha la iigu dhigo, Doorashada wakhtigeeda ayaan ku qabaneynaa, Hadii ay tabasho jirto diyaar baa loo yahay in lagu dhageysto”

Dhinaca kale shirka ayaa waxaa qeyb ka ahaa xubno ka tirsan golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya sida Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Warfaafinta, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga iyo Xildhibaanada labada aqal ee Dowladda ku matala Gobolada Waqooyi.

Dhammaan xubnihii ka qeyb galay shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka gobolada waqooyi (Somaliland) ayaa isku raacay in dalka uu doorasho aadayo iyaguna ay si buuxda u taageersan yihiin guddiyadii dooorashooyinka ay xukuumadu magacowday.

Tags: Ra’iisul wasaare ku” xigeen Mahdi “Waxaan u diyaar u nahay doorasho”.
Previous Post

Ra’isulwasaaraha Itoobiya oo booqday ciidan kusoo dhaawacmay dagaalkii Tigreega.

Next Post

Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Qeyb Galay Shirka Midowga Afrika ee Joojinta Colaadda+Sawirro

Next Post
Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Qeyb Galay Shirka Midowga Afrika ee Joojinta Colaadda+Sawirro

Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Qeyb Galay Shirka Midowga Afrika ee Joojinta Colaadda+Sawirro

Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa soo saartay warbixin ku saabsan dhaawacyada iyo dhimashada ka dhalatay howlgallada lagula dagaallamayo hubka sharci-darrada...

Hay’adaha Amniga oo shacabka ku wargeliyay inay dib ugu laaban karaan xaafadda Marinaayo iyo degmada Cabdicasiis

Hay’adaha Amniga oo shacabka ku wargeliyay inay dib ugu laaban karaan xaafadda Marinaayo iyo degmada Cabdicasiis

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adaha Amniga Caasimadda waxay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka ku nool Degmada Cabdicasiis iyo xaafadda Marinaayo, ku wargelinayaan in...

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo culus ka fuliyay Shabeellaha Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo culus ka fuliyay Shabeellaha Hoose

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan geesiyaasha sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab, ayaa howlgallo qorsheysan ka...

Madaxweynaha JFS oo Danjire Salaad Cali Jeelle u magacaabay Lataliyaha Sare ee Madaxweynaha

Madaxweynaha JFS oo Danjire Salaad Cali Jeelle u magacaabay Lataliyaha Sare ee Madaxweynaha

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo mudnaan gaar ah siinaya xoojinta howlaha talo-bixinta, qorsheynta, isku-dubbaridka iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In