Tuesday, October 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaare ku” xigeen Mahdi “Waxaan u diyaar u nahay doorasho”.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul wasaare ku” xigeen Mahdi “Waxaan u diyaar u nahay doorasho”.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

-Ra’iisul wasaare ku xigeen Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka qeyb galay shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka gobolada waqooyi ee (Somaliland) oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho ayaa ujeedkiisu ahaa taageerada guddiyada doorashada ay xukuumaddu magacowday

Shirkan oo ay soo qaban qaabiyeen qeybaha kala duwan ee bulshada gobolada waqooyi ee ku dhaqan Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaanada labada golle ee Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiiro, Salaadiin, Siyaasiyiin, Musharaxiin, Haween iyo Dhalinyaro, dhammaantoodna si wadajir ah ayay u cadeeyeen mowqifkooda Doorashooyinka Soomaaliya iyo sida ay u taageersan yihiin guddiyada doorashada.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Mudane Mahdi Maxamed Guulleed ayaa carabka ku adkeeyay in  dalka uu aadaayo doorasho xiligeeda ku dhacda laguna kala nabad galo.

“Waxaanu diyaar u nahay doorasho, waxaan diyaar u nahay in doorasho loo dareero oo aan is doorano, laguna kala nabad galo.  Muran kasta oo yimaada wuxuu dib u dhigayaa doorashada,  Taa macnaheedu ma waxa ay tahay doorasho diyaar uma ahiye dib ha la iigu dhigo, Doorashada wakhtigeeda ayaan ku qabaneynaa, Hadii ay tabasho jirto diyaar baa loo yahay in lagu dhageysto”

Dhinaca kale shirka ayaa waxaa qeyb ka ahaa xubno ka tirsan golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya sida Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Warfaafinta, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga iyo Xildhibaanada labada aqal ee Dowladda ku matala Gobolada Waqooyi.

Dhammaan xubnihii ka qeyb galay shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka gobolada waqooyi (Somaliland) ayaa isku raacay in dalka uu doorasho aadayo iyaguna ay si buuxda u taageersan yihiin guddiyadii dooorashooyinka ay xukuumadu magacowday.

Tags: Ra’iisul wasaare ku” xigeen Mahdi “Waxaan u diyaar u nahay doorasho”.
Previous Post

Ra’isulwasaaraha Itoobiya oo booqday ciidan kusoo dhaawacmay dagaalkii Tigreega.

Next Post

Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Qeyb Galay Shirka Midowga Afrika ee Joojinta Colaadda+Sawirro

Next Post
Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Qeyb Galay Shirka Midowga Afrika ee Joojinta Colaadda+Sawirro

Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Qeyb Galay Shirka Midowga Afrika ee Joojinta Colaadda+Sawirro

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In