Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka tirsan howlgal-ka Midowga Yurub ee Soomaaliya.
Kulanka muhiimadiisa ayaa ahayd sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta EUCAP iyo xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka. Waxaana is xog weraysi kaddib Dr. Fabian Loewenberg ku simaha Taliyaha howl galka Midowga Yurub uu balan-qaaday in uu ka qayb qaadandoono hirgelinta istiraatigiyadda Xafiiska 2020-2023-ka ee Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka.