Wasiirka caafimaadka dalka Kuwayt Baasil Al-Sabaax ayaa sheegay in dalkiisu bilaabayo beri oloalaha tallaalka looga hortegaayo viruska Corona.
Wasiirka ayaa sheegay inay soo gaartay shixnaddii ugu horeysay ee talaalka Karoona iyadoo wajiga kowaad ee ololaha la tallaali doono shaqaalaha caafimaadka iyo waayeelka.
Wasiirka ayaa inaas ku daray in ololahaan socon doono muddo sanad ah.
Wasaaradda caafimaadka Kuwayt ayaa hore u shaacisay inay diyaarisay xarumo lagu tallaali karo 10,000 oo qof maalintii.
Dadka uu ku dhacay Karoona Fayras ee dalka Kuwayt ayaa gaaraya 148,507, waxaana u dhintay 923 oo qof.