Friday, September 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha ciidanka Dhulka Xoogga dalka oo ciidanka ku ammaanay badbaadinta shacabka Soomaaliyeed

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
December 26, 2020
in Wararka
0
Taliyaha ciidanka Dhulka Xoogga dalka oo ciidanka ku ammaanay badbaadinta shacabka Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal Maxamed Tahaliil Biixi iyo saraakiil uu hoggaaminayo oo kormeer la xiriira howlgalada ciidamada xoogga dalka ay ka wadaan deegaanada Galmudug ku soo maray magaalooyinka Gaalkacyo iyo Cadaado ayaa shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen saraakiisha iyo ciidamada xoogga.

Generaal Maxamed Tahliil Biixi, taliyaha ciidanka ayaa kormeeray xarumaha ciidamada qeybta 21-aad iyo kuwa kumaandooska Gor gor ee ku yaalo deegaanada dhaca koonfurta magaalada Dhuusamareeb oo howlgalo maalmihii u dambeeyay ay ka wadeen ciidanka xoogga dalka looga awood roonaaday maleeshiyada Al-Shabaab.

Related posts

Bandhig ku saabsan hal abuurka dhallinyarada oo lagu qabtay Muqdisho

Bandhig ku saabsan hal abuurka dhallinyarada oo lagu qabtay Muqdisho

September 12, 2025
Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay Guddoomiyaha SoDMA iyo Wafdi uu hoggaaminayo

Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay Guddoomiyaha SoDMA iyo Wafdi uu hoggaaminayo

September 11, 2025

Taliyaha ciidanka Dhulka Xoogga dalka ayaa howlgalada socda iyo guulaha laga gaaray ka dhageystay saraakiisha ku sugan furimaha hore, kuwaas oo sheegay in ciidanka xoogga dalka ay  guul wax ku ool ah ka gaareen dagaalka lala galay argagixisada Al-Shabaab,kuwaas oo suurta geliyay in deegaano badan laga saaro.

Generaal Maxamed Tahliil Biixi oo ciidanka iyo saraakiisha ku jira howlgalada kula hadlay furimaha hore ayaa ku ammaanay kaalinta ay ka qaateen badbaadinta shacabka Soomaaliyeed oo muddo dheer la dhibaatoonayay caburinta iyo cago jugleynta maleeshiyada argagixisada Al-Shabaab.

 

Wuxuu sidoo kale, taliyaha ciidanka dhulka Xoogga dalka kula dardaaray ciidanka in ey u dhimriyaan shacabka ku sugan deegaanada laga xoreeyay cadowga, kuwaas oo muddo dheer sugayay gacan Dowladnimo.

Previous Post

Wafdi uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray Garoowe “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Galmudug oo xariga ka jaray qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay Isbitaalka Gaalkacyo “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Galmudug oo xariga ka jaray qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay Isbitaalka Gaalkacyo “SAWIRRO”

Madaxweynaha Galmudug oo xariga ka jaray qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay Isbitaalka Gaalkacyo “SAWIRRO”

Bandhig ku saabsan hal abuurka dhallinyarada oo lagu qabtay Muqdisho

Bandhig ku saabsan hal abuurka dhallinyarada oo lagu qabtay Muqdisho

September 12, 2025
0

Maamulka Wasaaradda Beeraha XFS ayaa Magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad lagu soo bandhigaayey hal abuurka dhallinyarada  ee dhinaca wax soo...

Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay Guddoomiyaha SoDMA iyo Wafdi uu hoggaaminayo

Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay Guddoomiyaha SoDMA iyo Wafdi uu hoggaaminayo

September 11, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye, ayaa caawa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta...

Dowladda oo lagu wareejiyay qalab casri ah oo ka hortagga walxaha qarxa

Dowladda oo lagu wareejiyay qalab casri ah oo ka hortagga walxaha qarxa

September 11, 2025
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta ka qaybgalay munaasabad ay Dowladda Boqortooyada Ingiriiska ku wareejinaysay...

Guddoomiyaha SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Laascaanood

Guddoomiyaha SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Laascaanood

September 11, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdille, ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay magaalada Laascaanood, caasimadda dowlad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In