Labada Aqal ee Golaha Congress-ka wadanka Mareykanka ayaa ugu dambeyn maanta ansixiyey doorashadii dhowaan ka dhacday dalkaasi ee uu ku soo baxeen madaxweyne Joe Biden iyo ku xigeenkiisa Kamala Harris.
Mike Pence madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ayaa guddoomiyey kulankan oo go’aan kama dambeys ah looga gaaray doorashada, isaga oo shaaciyey natiijada meel-marinta.
Meel-marintan ayaa soo gaba-gabeysay doodii dheereyd ee maalmahan ka taagneyd doorashada Mareykanka ee u dhexeysa Trump & Biden.
Sidoo kale inta ay socotay munaasabadda meel-marinta oo ay hareeyeen qalalaase xoogan ayaa qaadatay muddo ka badan 15 saacadood, iyada oo ugu dambeyn Golaha Congress-ka uu ansixiyey doorashada Joe Biden oo helay 306 cod, halka Trump uu helay 232 cod ergada codadka dhiibatay.
Intii uu kulanku socday taageero yaasha Donald Trump ayaa qabsaday oo galay dhismaha Capitol Hill ee magaalada Washington, 4 qof ayaa ku dhimatay banaanbaxyadii rabshadaha watay ee ka dhacay Maraykanka.
Taliyaha Booliska Washington Robert J. Conti ayaa sheegay in afar qof ay ku dhimatay banaanbaxyadii rabshadaha watay ee xalay ka dhacay aqalka Koongareeska Maraykanka hortiisa.
Conte wuxuu intaas ku daray in 52 qof la xiray ka dib markii taageerayaasha madaxweynaha xilka kasii degaya Donald Trump ay xoog ku galeen xarunta baarlamaanka.
Taageerayaasha Donald Trump ayaa doonayay inay hor imaad ku sameeyaan howlaha Congress-ka iyo guusha uu gaaray madaxwaynaha la doortay ee Joe Biden
Booliska Washington ayaa sheegay in baaritaana dheeraad ah la sameyn doono lagana hor tegi doono wax kasta oo wax u dhimaaya amniga.