Saturday, May 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle iyo Danjiraha Soomaaliya ee Suudaan oo la kulmay Xubin ka tirsan Golaha Sarre ee Dalka Suudaan.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
5 years ago
in Wararka
0
Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle iyo Danjiraha Soomaaliya ee Suudaan oo la kulmay Xubin ka tirsan Golaha Sarre ee Dalka Suudaan.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjiraha safaaradda Soomaaliya Dalka Suudan Amb Maxamed Sheikh Isxaaq iyo Guudomiyaha Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Hirshabeele Dr Cabdi Xakiim Luqaamn iyo wafdi uu hogaaminaayo Gudoomiyaha ayaa maanta kulan la qaatay Xubin Katirsan Golaha Sare ee ee ka arrimiyo Dalka Suudan Marwo Caasho Muuse Saciid kulanka ayaa ka dhacay Xarunta Qasrigga Madaxtooyadda Dalka Suudan, kulanka ayaa waxaa goob jooga ahaa Agaasimaha Guud ee madaxtooyada Raami Ma’muun Bashiir iyo Madaxa Ganacsiga Safaarada Soomaaliya Dalka Suudan Yusuf Axmed Xasan (Yusuf Jeego)

Gudoomiyaha iyo Danjiraha ayaa waxaa loo sameeyay soo dhaweeyn diiran.

Related posts

Taliyaha CXDS oo lagu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

Taliyaha CXDS oo lagu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

May 14, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabbilay Danjiraha Cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabbilay Danjiraha Cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

May 14, 2026

Gudoomiyaha ayaa warbixin Guud ka siiyay xaalada Guud Dalka Soomaaliya iyo Midda Hirshabelle iyo xiriirka xoogan ee u dhaxeeya labada dowladood Sooamaliya iyo Suudan, sidoo kale waxaa si qota dheer uga hadlay xiriirka sooyaaleeyd Danjiraha Safaarada Soomaaliya ee Dalka Suudan Amb. Maxamed sheikh Isxaaq ugana mahadceliyay dowlada Sudan sida muuqata ee u garab taaganyihiin waqti walba dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Marwo Caasho Muuse saciid oo ah xubin ka mid ah Golaha sare ee ka arrimiyo Dalka Suudaan ayaa soo dhaweysay booqashada Gudoomiyaha iyo Danjiraha u fadhiya dowlada Soomaaliya Dalka Suudan, una xaqiijisay inay muhiim tahay Guud ahaan horumarinta iyo xiriirarka labada dal,gaar ahaan horumarinta Ganacsiga iyo dhamaan kaaabayaasha dhaqaalaha ee labada wadan, sidoo kale xiirka walalanimo iyo Dhamaan danaha labada dowladood Soomaaliya iyo Suudan.

Gabagabadii Kulanka laba dhinac ayaa ku soo idalaay is -afgarad wanaagsan.

Previous Post

Kulan looga hadlaayey tayeynta waxbarashada oo lagu qabtay Wasaarada Waxbarashada.

Next Post

Maxkamadda ciidamada oo maanta ridday xukun dil ah

Next Post
Maxkamadda ciidamada oo maanta ridday xukun dil ah

Maxkamadda ciidamada oo maanta ridday xukun dil ah

Taliyaha CXDS oo lagu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

Taliyaha CXDS oo lagu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

May 14, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeyo Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb. Wafdiga uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka XDS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabbilay Danjiraha Cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabbilay Danjiraha Cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

May 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo isku beddelay Agaasimayaal

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo isku beddelay Agaasimayaal

May 14, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay Agaasimeyaasha Guud ee qaar ka mid...

Urur siyaasadeedka Talo Qarano o bogaadiyay doorashooyinka ka dhacay Koofur Galbeed

Urur siyaasadeedka Talo Qarano o bogaadiyay doorashooyinka ka dhacay Koofur Galbeed

May 14, 2026
0

Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka dhallinyarada Tala Qaran, Cabduwali Cusmaan Cabdi ayaa bogaadiyay sida habsamida leh ee ay u dhaceen doorashooyinka isku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In