Tuesday, August 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Duraan: Waxaa naga go’an Isl-xilqaan inuu gaaro dhammaan xarumaha adeegga qaran

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
6 years ago
in Wararka
0
Wasiir Duraan: Waxaa naga go’an Isl-xilqaan inuu gaaro dhammaan xarumaha adeegga qaran
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa caddeeyay inay go’an tahay sidii loo dar-dargalin lahaa barnaamijka dib u dhiska xarumaha adeegga qaran ee Is-xilqaan, ka dib kulan uu maanta xafiiskiisa kula yeeshay Wasiirka Howlaha Guud,dib u dhiska iyo guriyenta Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) iyo Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Hormarinta dhismaha Soomaaliyeed, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac.

Kulanka inta uu socday waxaa lagu dheeraaday sidii loo dardargalin lahaa Barnaamijka Is-xilqaan,loona dhammaystiri lahaa goobaha uu ka socdo,iyadoo kulanka lagu sheegay in la billaabo dayactirka iyo dib u dhiska dhismayaasha muhiimka ah ee u adeegaya Qaranka.

Related posts

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

August 24, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

August 24, 2026

“Waxaa lagu guuleystay in dib loo dhiso xarumo muhiim u ah qaranka , muddadii uu socday Barnaamijka Is-xilqaan, hadda ujeeddadu waxay tahay in la xoojiyo , lana dardargaliyo.” ayuu yiri Wasiir Duraan oo inta ku daray  “Hindisahan oo ah aragti ka timid Madaxweynaha Jamhuuriyadda, waxaa ka go’an xukuumadda inuu gaaro dhammaan xarumaha adeegga Qaranka.”

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, wuxuu ammaanay shaqaalaha rayidka Dawladda oo door muuqda ka qaadanaya Barnaamijka Is-xilqaan iyo dhammaan dhinacyada kale ee ku lugta leh,iyadoo kulanka uu goobjoog u ahaa sarkaalka u xil saaran Is-xilqaan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Ismaaciil Macalin.

Previous Post

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo kulan la yeeshay Ilhaan Cumar

Next Post

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Ethiopia Seyoum Mesfin iyo saraakiil kale oo la dilay

Next Post
Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Ethiopia Seyoum Mesfin iyo saraakiil kale oo la dilay

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Ethiopia Seyoum Mesfin iyo saraakiil kale oo la dilay

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

August 24, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku soo dhaweeyay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

August 24, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan dhiiragelin iyo bogaadin ah...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

August 24, 2026
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS, Maxamed Cismaan Nastaara, ayaa magaalada Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan XDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan XDS

August 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed, ayaa Muqdisho tababar ugu soo xiray saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In