Thursday, March 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka qeyb galay shir-sanadeedka garsoorka Soomaaliya “Sawirro”

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka qeyb galay shir-sanadeedka garsoorka Soomaaliya “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay shir-sanadeedka garsoorka Soomaaliya oo ah madal lagu lafa-guro waxyaabihii Garsoorka u qabsoomay iyo caqabadihii ka hor yimid sanadkii tegay, iyadoo lagu jaangooynayo qorsheyaasha sanadka cusub.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay hufnaanta hannaanka Caddaaladda iyo sarreynta sharcigu inuu yahay tiir muhiim u ah dowladnimada, laguna gaari karo xasillooni iyo horumar taaba qaada.

Related posts

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 4, 2026
Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

March 4, 2026

“Garsoorku waa halbeegga isu-dheelli tirka xiriirka bulshada ka dhaxeeya, dhowista xuquuqul iinsaanka iyo waajibaadka aas-aasiga ah ee shacabku ay ku leeyihiin dowladdooda, taas oo ay ugu horreyso in aan laga musuqmaasuqin canshuurtooda, looguna adeego si siman oo caddaalad leh”.

Eng. Rooble ayaa xusay Dhismaha Golaha adeegga garsoorka marka uu soo dhammaado in ay fududaan doonto dhisidda Maxkamadda Dastuurka ee dalka oo kamid ah tiirarka ugu muhiimsan ee hannaanka Garsoorka.

“Sidoo kale, Golaha Wasiirrada iyo Golaha shacabka waxa ay ansiyeen saddex heshiis oo saldhig u ah la dagaalanka musuqmaasuqa, oo kala ah; Heshiiska Qaramada Midoobay ee la dagaalanka musuqmaasuqa, Heshiiska Midowga Afrika ee ka hortagga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa iyo Heshiiska Carbeed ee la Dagaalanka Musuqmaasuqa”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kula dardaarmay bahda cadaaladda in ay musuqmaasuqa ka fogaadaan, noqdaana kuwa loo soo ordo ee aysan noqon kuwii laga cararayey.

“Waxaan sidoo kale ku guulaysanay in aan dhisno guddigii la dagaalanka musuqmaasuqa, oo qayb weyn ka qaadan doona, maamul-wanaagga iyo xaqiijinta cadaaladda.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kordhisay miisaaniyadda sanadlaha ah ee Hay’adaha Garsoorka, si kor loogu qaado xuquuqdooda, tanoo looga fogaanayo laaluushka iyo is-dabamarinta xuquuqda muwaadiniinteenna Soomaaliyeed.

 

  

Previous Post

Wasiirka Tamarta oo la kulmay danjiraha Turkiga ee Soomaaliya + Sawirro

Next Post

Ciyaartoyda Koofur Galbeed oo xalay loo sameeyay casho sharaf

Next Post
Ciyaartoyda Koofur Galbeed oo xalay  loo sameeyay casho sharaf

Ciyaartoyda Koofur Galbeed oo xalay loo sameeyay casho sharaf

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 4, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

March 4, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga  labaad ee tartanka

DAAWO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka kadib meel marinta Dastuurka Qaranka

DAAWO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka kadib meel marinta Dastuurka Qaranka

March 4, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay shacabka soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey Xildhibaanada Labada Aqal...

Siyaasi Axmed Saafi oo soo dhaweeyay meel marinta Dastuurka Qaranka

Siyaasi Axmed Saafi oo soo dhaweeyay meel marinta Dastuurka Qaranka

March 4, 2026
0

Siyaaasi Axmed Saafi oo ka mid ah siyaasiyiinta ayaa soo dhaweeyay meel mrinta Dastuurka Qaranka ee ay Mudanyaasha labada Aqal...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In