Wednesday, August 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Doorashada Uganda wararkii u dambeeyay natiijooyinka hor u dhaca ah

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
6 years ago
in Wararka
0
Doorashada Uganda wararkii u dambeeyay natiijooyinka hor u dhaca ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa tiro aad u badan ku hogaaminaya natiijada doorashadii madaxtinimada ee khamiistii ka qabsoontay dalka Uganda, 49.1% codadkii la tiriyay ayuu ka heley 3.9 milyan oo la mid ah 62.7%, iyadoo hogaamiyaha mucaaradka ah uu heley 1.4 milyan oo u dhiganta 29.3%, sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka.

Hogaamiyaha mucaaradka Bobi Wine ayaa diiday natiijada hor u dhaca ah oo ay shaaciyeen guddiga, isagoo sheegtay in uu ku guuleystay doorashada isla markaana talisku sameeyay wax isdabo marin bahsan.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb galay kulan loogu duceynayay Marxuum Axmed Cali Cigaal

Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb galay kulan loogu duceynayay Marxuum Axmed Cali Cigaal

August 4, 2026
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Danjiraha Dowladda Indonesia

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Danjiraha Dowladda Indonesia

August 4, 2026

Natiijada rasmiga ah ayaa lagu dhawaaqi doonaa Axadda, iyadoo madaxweyne Museveni markii lixaad uu u muuqdo in uu yahay ku guuleystaha doorashada dalka Uganda.

Ciidanka amniga oo aad u badan ayaa saaka lagu arkayay xaafadda uu degan yahay hogaamiyaha mucaaradka, isagoo sheegay in ciidanku hoygiisa xoog ku galeen isla markaana xireen qaar kamid ah ilaaladiisa.

Guddiga doorashada waxaa uu beeniyay eedda uu soo jeediyay Bobi Wine oo sidoo kale loo yaqaano Robert Kyagulanyi kaas oo ahaa heesaa caan ah isla markaana sheegtay in uu matalayo da’yarta reer Uganda.

Korjoogtada doorashada ee ka socota Midowga Afrika ama bulshada bariga Afrika midna kama hadal eedeymaha la soo jeediyay oo ah in ay jirto wax isdabo marin.

Museveni oo Uganda soo maamulayay muddo 35 sano ah ayaa markii 6 aad hogaamin doona dalka bariga Afrika ku yaala oo ay ku nool yihiin 46 milyan oo dhallinyaro u badan.

In ka badan daraasiin hey’addo aan dowli aheyn ayaa xukuumadda Uganda ugu baaqay in la sii daayo 26 kormeeriyaal reer Uganda ah oo khamiistii la xirey ka dib markii lagu eedeeyay in ay sameeyeen goobo aan sharci aheyn oo codadka lagu tiriyo.

Previous Post

Wefdi hor u dhac u ah madaxweynaha Koofur Galbeed oo maanta gaaray Xuddur +Sawirro

Next Post

Ra’iisul wasaare Rooble oo galabta shacabka kula kulmay Xeebta Liido +Sawirro

Next Post
Ra’iisul wasaare Rooble oo galabta shacabka kula kulmay Xeebta Liido +Sawirro

Ra'iisul wasaare Rooble oo galabta shacabka kula kulmay Xeebta Liido +Sawirro

Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb galay kulan loogu duceynayay Marxuum Axmed Cali Cigaal

Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb galay kulan loogu duceynayay Marxuum Axmed Cali Cigaal

August 4, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa ka qayb galay kulan duco iyo...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Danjiraha Dowladda Indonesia

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Danjiraha Dowladda Indonesia

August 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo Safiirka Shiinaha oo heshiis kala saxiixday

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo Safiirka Shiinaha oo heshiis kala saxiixday

August 4, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang...

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO TABABAR U SOO XIRAY CIIDAMO KA TIRSAN DANAB

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO TABABAR U SOO XIRAY CIIDAMO KA TIRSAN DANAB

August 4, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo uu wehliyo Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In