Thursday, November 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Doorashada Uganda wararkii u dambeeyay natiijooyinka hor u dhaca ah

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
Doorashada Uganda wararkii u dambeeyay natiijooyinka hor u dhaca ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa tiro aad u badan ku hogaaminaya natiijada doorashadii madaxtinimada ee khamiistii ka qabsoontay dalka Uganda, 49.1% codadkii la tiriyay ayuu ka heley 3.9 milyan oo la mid ah 62.7%, iyadoo hogaamiyaha mucaaradka ah uu heley 1.4 milyan oo u dhiganta 29.3%, sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka.

Hogaamiyaha mucaaradka Bobi Wine ayaa diiday natiijada hor u dhaca ah oo ay shaaciyeen guddiga, isagoo sheegtay in uu ku guuleystay doorashada isla markaana talisku sameeyay wax isdabo marin bahsan.

Related posts

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

November 13, 2025
Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo Agaasimaha Wasaaradda Awqaafta oo dhagax dhigay Masaajid cusub.

Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo Agaasimaha Wasaaradda Awqaafta oo dhagax dhigay Masaajid cusub.

November 13, 2025

Natiijada rasmiga ah ayaa lagu dhawaaqi doonaa Axadda, iyadoo madaxweyne Museveni markii lixaad uu u muuqdo in uu yahay ku guuleystaha doorashada dalka Uganda.

Ciidanka amniga oo aad u badan ayaa saaka lagu arkayay xaafadda uu degan yahay hogaamiyaha mucaaradka, isagoo sheegay in ciidanku hoygiisa xoog ku galeen isla markaana xireen qaar kamid ah ilaaladiisa.

Guddiga doorashada waxaa uu beeniyay eedda uu soo jeediyay Bobi Wine oo sidoo kale loo yaqaano Robert Kyagulanyi kaas oo ahaa heesaa caan ah isla markaana sheegtay in uu matalayo da’yarta reer Uganda.

Korjoogtada doorashada ee ka socota Midowga Afrika ama bulshada bariga Afrika midna kama hadal eedeymaha la soo jeediyay oo ah in ay jirto wax isdabo marin.

Museveni oo Uganda soo maamulayay muddo 35 sano ah ayaa markii 6 aad hogaamin doona dalka bariga Afrika ku yaala oo ay ku nool yihiin 46 milyan oo dhallinyaro u badan.

In ka badan daraasiin hey’addo aan dowli aheyn ayaa xukuumadda Uganda ugu baaqay in la sii daayo 26 kormeeriyaal reer Uganda ah oo khamiistii la xirey ka dib markii lagu eedeeyay in ay sameeyeen goobo aan sharci aheyn oo codadka lagu tiriyo.

Previous Post

Wefdi hor u dhac u ah madaxweynaha Koofur Galbeed oo maanta gaaray Xuddur +Sawirro

Next Post

Ra’iisul wasaare Rooble oo galabta shacabka kula kulmay Xeebta Liido +Sawirro

Next Post
Ra’iisul wasaare Rooble oo galabta shacabka kula kulmay Xeebta Liido +Sawirro

Ra'iisul wasaare Rooble oo galabta shacabka kula kulmay Xeebta Liido +Sawirro

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

November 13, 2025
0

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyey kulanka guddiga joogtada...

Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo Agaasimaha Wasaaradda Awqaafta oo dhagax dhigay Masaajid cusub.

Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo Agaasimaha Wasaaradda Awqaafta oo dhagax dhigay Masaajid cusub.

November 13, 2025
0

Munaasabadda dhagax-dhigga masaajidka cusub ee laga dhisayo Taliska Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiisyo is-afgarad ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga .

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiisyo is-afgarad ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga .

November 13, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa ansixiyey heshiisyo Is-afgarad ah oo u dhexeeya...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeer shaqo ku tagay Safaaraddeenna dalka Aljeeriya .

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeer shaqo ku tagay Safaaraddeenna dalka Aljeeriya .

November 13, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Aljeeriya, waxaana Masuuliyiinta la socday...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In