Monday, June 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Caalamka

Maxaad kala socotaa Madaxweynayaashii Maraykanka ee aan imaanin caleema saarka Madaxwaynayaashii bedelayay?

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
January 20, 2021
in Caalamka, Wararka
0
Maxaad kala socotaa Madaxweynayaashii Maraykanka ee aan imaanin caleema saarka Madaxwaynayaashii bedelayay?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxwaynaha Maraykanka ee xilka ka sii degaya Donald Trump ayaa hore u sheegay inuusan ka soo qayb geli doonin xafladdda caleema saarka Madaxwaynaha la doortay ee Joe Biden.

Related posts

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025

Go’aanka Trump uu qaatay laguma arag Maraykanka 152 sano, Madaxwaynayaashii xilkooda dhamaadayna waxay kasoo qayb geli jireen caleema saarka Madaxwaynaha cusub.

Hadaba kumee ahaayeen Madaxwaynayaashii Maraykanka ee aan soo xaadirin caleema saarka kuwa bedelayay?

John Adams: waa Madaxweynihii ugu horreeyay ee qaata go’aan ah inuusan tegin xafladda caleemo saarkii Madaxwaynihii ku xigay ee Thomas Jefferson.

In kasta oo Adams iyo Jefferson ahaayeen saaxiibo isku wanaagsan, haddana siyaasadda ayaa kala fogeysay kana dhigtay rag cadaw isku ah.

Adams ayaa ka tegay Washington habeenkii ka horeeyay maalinta caleema saarka si uusan uga qayb gelin caleemo saarkii saaxiibkiis hore oo dhacayay Maarso 4, 1801.

John Quincy Adams: waxaa la yaab leh in Madaxwaynihii labaad ee diida inuu ka qayb galo xafladda caleema saarka Madaxwaynanimo uu noqdo John Quincy Adams oo raacay waddadii aabihiis, isagoo diiday inuu ka qayb galo xafladda caleemo saarka Andrew Jackson.

Martin Van Buren: Bishii Maarso 4, 1841 Martin Van Buren ma uusan soo xaadirin xafladii caleemo saarkii William Henry Harrison ilaa iyo hadana lama oga sababta keentay inuu qaato go’aankaas.

Martin Van Buren ayaa sidoo kale soo noqday Madaxwayne ku xigeenka iyo xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka.

Andrew Johnson: Andrew Johnson oo caan ku ahaa midab takoorka isna ma imaanin caleema saarkii  Ulysses S. Grant.

Andrew Johnson waxa uu ahaa Madaxwaynihii 17-aad ee dalka Marayaknka, wuxuuna xilka hayay sanadihii 1865 ilaa 1869.

Johnson waxaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah Madaxwaynayaashii ugu xumaa ee soo maray dalka Maraykanaka, waxaana lagu eedeyay inuusan ilaalin sharciyada dalka u yaalay.

Johnson iyo xildhibaanada baarlamaanka waxaa dhax maray dagaalo siyaasadeed oo badan kadib markii ay isku dayeen inay xilka ka xayuubiyaan.

Madaxwaynaha hadda xilka kasii degaya Trump ee looga guuleystay doorashadii ugu dambeysay ee dalka Maraykanka ka dhacday ayaa go’aansaday inuu maro waddaddii ay mareen dhowr kaas Madaxwayne ee aan imaanin caleema saarka madaxtinimo.

 

 

Previous Post

Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo daah furay Barnaamijka kobcinta wax soo saarka xoolaha “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Hay’adaha amniga iyo Maamulka G. Banaadir “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Hay’adaha amniga iyo Maamulka G. Banaadir “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Hay’adaha amniga iyo Maamulka G. Banaadir “SAWIRRO”

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
0

  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi), oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Khawaarijta  ay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In