Thursday, July 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

James Swan oo la kulmay Madaxweynaha Puntland “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
James Swan oo la kulmay Madaxweynaha Puntland “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay, Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka midyihiin Madaxda Hay’addaha WFP, UNHCR iyo UNWOMEN.

Kulanka ayaa looga hadlayaa marxaladda uu dalku marayo, gaar ahaan arrimaha Siyaasadda, Doorashada iyo shaqooyinka Hay’addaha Qaramada Midoobey ka fuliyaan Puntland sida mashaariicda horumarin iyo kuwa bani’aadantinimo.

Related posts

Shaqsiyaadkii kaalinta muuqata ka qaatay xuska Toddobaadka Xorriyadda oo xaflad loo qabta

Shaqsiyaadkii kaalinta muuqata ka qaatay xuska Toddobaadka Xorriyadda oo xaflad loo qabta

July 8, 2026
IGAD oo Dardargelinaysa Taageerada Ansixinta iyo Dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee Soomaaliya

IGAD oo Dardargelinaysa Taageerada Ansixinta iyo Dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee Soomaaliya

July 8, 2026

“Waxaan sidoo kale Ergayga gaar ka ah uga mahadcelinayaa kulankii gaarka ahaa ee aanu yeelanay sidii deganaanshaha Soomaaliya horumarka la rajeynayo dhinaca siyaasadda hore loogu qaadi lahaa, gaar ahaan arrimaha doorashada oo runtii ah arrimo maalmihii u danbeysay taagnaa, wax wanaagsan oo muujin kara inay hore u sii socon karto in la helo doorasho lagu wada qanacsanyahay, oo ay kawada qeybgalaan dhammaan qeybaha kala duwan ee Soomaaliya,.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey James Swan wuxuu muujiyay sida ay Beesha Caalamka u dooneyso in wadahadal lagu dhammeeyo arrimaha doorashada si loo gaaro heshiis lagu hirgelinayo doorasho wadar ogol ah oo lagu wada qanacsanyahay, isagoo xusay muhiimada ay leedahay xoojinta xiriirka Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah.

Dhinaca kale Wasiirada Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxda Hay’addaha WFP, UNHCR iyo UNWOMEN, kaasi oo looga hadlay sidii la isu waafijin lahaa qorshaha horumarinta Puntland ee shanta sano iyo qorsheyaasha u yaalla hay’addaha Qaramada Midoobey iyo sidii la isaga kaashan lahaa saameynta ay ka dhalatay COVID-19, Ayaxa iyo Duufaantii GATI.

Previous Post

Wasiir Dubbe “Ciidanka Xoogga Dalka oo soo afjaray duulaan lagu soo qaaday Beladxaawo’

Next Post

Guddoomiyaha Degmada Xamar Weyne “Shacabka waxaan ka codsaneynaa in ay dulqaataan inta uu dhismaha Waddada socdo” SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Degmada Xamar Weyne “Shacabka waxaan ka codsaneynaa in ay dulqaataan inta uu dhismaha Waddada socdo” SAWIRRO”

Guddoomiyaha Degmada Xamar Weyne “Shacabka waxaan ka codsaneynaa in ay dulqaataan inta uu dhismaha Waddada socdo” SAWIRRO”

Shaqsiyaadkii kaalinta muuqata ka qaatay xuska Toddobaadka Xorriyadda oo xaflad loo qabta

Shaqsiyaadkii kaalinta muuqata ka qaatay xuska Toddobaadka Xorriyadda oo xaflad loo qabta

July 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa xaflad abaalmarin iyo maamuus ah u qabtay haldooradii...

IGAD oo Dardargelinaysa Taageerada Ansixinta iyo Dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee Soomaaliya

IGAD oo Dardargelinaysa Taageerada Ansixinta iyo Dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee Soomaaliya

July 8, 2026
0

Urur-goboleedka Iskaashiga Horumarinta Bariga Afrika (IGAD) ayaa Arbacadii sii xoojiyey dadaallada uu ku taageerayo Soomaaliya sidii loo dardargelin lahaa ansixinta...

DAAWO SAWIRRADA: Howlgalkii Ciidanka Ay Kula Wareegeen Kuntuwaareey Iyo Carruur Ay Soo Furteen

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaariijta

July 8, 2026
0

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidamada Ammaanka Jubbaland, ayaa waaberigii maanta howlgal ka dhan ah maleeshiyaadka...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha CXDS oo kormeeray Dugsiga Tababarka Qorilow

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha CXDS oo kormeeray Dugsiga Tababarka Qorilow

July 8, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In