Guddoomiyaha Degmada Xamar Weyne Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir oo ka hadlayay heerka uu marayo dhismaha laamiga ee isku xira Shabeelle ilaa isbitaalka Martiini ayaa sheegay in haatan uu meel gabo gabo ah marayo dhismaha wadddada, ayna ku rajo weynyihiin in dhawaan la soo gabo gabeeyo.
“Waxaan u mahadcelinayaa duqa magalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo naga aqbalay codsigii ahaa in naloo dhiso waddooyinka burbursan ee ku yaala degmada Xamar Weyne” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Xamar Weyne oo hadalkiisa ku daray “Waa laamigii labaad ee naloo hirgeliyo tan iyo intii uu xilka hayay guddoomiye Cumar Filish”
Guddoomiyaha Degmada Xamar Weyne Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay dulqaataan inta ay shaqada waddada socoto
“Waddada ka bilaabata Shabeelle ee tagta Isbitaal Martiini ayaa hadda mareyso mid gabagabo ah, waxaana shacabka Soomaaliyeed ee isticmaala waddadaasi iyo gaadiidka ka codsaneynaa in ay muujiyaan dulqaad inta ay shaqada ka dhamaaneeso”.