Kulanka guddiga amniga gobalka Mudug ee Puntland oo uu shir gudoominayay wasiir ku xigeenka amniga Dowlad Goboleedka Puntalnd Cabdullaahi Cabdisalaan ayaa lagu soo bandhigay walxaha qarxa kuwaa oo lagu soo qabatay sida ay sheegeen howlgalo ciidamada amniga Puntaland ay ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo iyadoo dhanka kalana kulanka laga soo saaray amaro qeyb ka ah xoojinta amniga iyo dar dar galinta la dagaalanka argagixisada
Taliyaha qeybta booliiska gobalka Mudug ee puntaland g/sare Muumin Cabdi Shire iyo gudoomiyaha gobalka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa uga horeyn kulanka ka hadlay waxaana ay ka warbixiyeen amniga gobalka iyo waxyaabihii u qabsoomay todabaadkaan.
Wasiir ku xigeenka wasaarada amniga Dowlad Goboleedka Puntland Cabdulaahi Cabdisalaan ayaa isna bogaadiyey sida wanaagsan oo ay ciidanka amniga dadaal badan ugu bixiyeen sidii loo sugi lahaa guud ahaan amniga iyo la shaqeynta maamulka ee ciidamada amniga.