Sunday, April 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xoojinta Nabadgelyada goobaha doorashooyinka loo asteeyay oo laga wada hadlay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Xoojinta Nabadgelyada goobaha doorashooyinka loo asteeyay oo laga wada hadlay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Farxaan Cali Axmed ayaa kulan looga hadlayay xoojinta amniga goobaha doorashooyinka la qaatay hay’adaha iyo wakiilada dalalka Soomaaliya ka taageero dhanka amniga.

Kulanka oo ku qabsoomay aaladda fogaan aragga ayaa waxaa kaloo ka qeyb galay Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, Agaasimaha guud ee Wasaarada amniga gudaha, xubno ka socday Wasaaradaha amniga ee dowlad Goboleedyada iyo Agaasimaha Qorsheynta iyo horumarinta ee Wasaaradda amniga.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

April 12, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026

Shirka oo inta badan diiradda lagu saaray arrimaha booliska, ayaa waxaa kaloo inta uu socday la isla gartay xoojinta amniga goobaha loo asteeyay doorashooyinka, qalabeynta iyo howlgelinta ciidanka daraawiishta heer Federaal oo dhawaan lagu wareejin doono goobaha laga xoreeyay dhagarqabayaasha Al-Shabaab.

Wakiilada dalalka iyo hay’adaha Soomaaliya ka taageera dhanka ammaanka ayaa Madaxda Wasaaradda amniga gudaha ku bogaadiyay dadaalka ay ugu jiraan xasilinta dalka, iyagoo balan qaaday inay fulin doonaan heshiisyada ay la saxiixdeen Wasaaradda amniga, si loo adkeeyo Nabadgelyada guud ahaan dalka.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Farxaan Cali Axmed ayaa sheegay in shirka la isku afgartay xoojinta Nabadgelyada goobaha doorashooyinka lagu qaban doono, isagoo uga mahadceliyay wakiilada dalalka iyo hay’adaha Soomaaliya ka taageero amniga sida ay ula shaqeeyaan Wasaaradda.

Previous Post

Sheekh Mustafe oo si diiran loogu soo dhaweeyay Garoowe “SAWIRRO”

Next Post

Jaamacadda Somaville oo heshiish waxbarashada oo heerka labaad ah la gashay Jaamacad ku taala dalka Bangladesh “SAWIRRO”

Next Post
Jaamacadda Somaville oo heshiish waxbarashada oo heerka labaad ah la gashay Jaamacad ku taala dalka Bangladesh “SAWIRRO”

Jaamacadda Somaville oo heshiish waxbarashada oo heerka labaad ah la gashay Jaamacad ku taala dalka Bangladesh “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyey kulan ay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehliyaan Wasiirka...

SAWIRRO:-Munaasabadda Sanad Guurada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

SAWIRRO:-Munaasabadda Sanad Guurada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Sawirro: Waxaa si habsami leh u socota munaasabadda xuska sanad-guurada 66-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taas...

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay munaasabadda sanad guurada 12-ka April ee CXDS

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay munaasabadda sanad guurada 12-ka April ee CXDS

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga kaga qeyb galay xuska 66-aad ee sanad-guurada kasoo wareegtay aasaaska...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In