Saturday, December 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Golaha Wasiirada oo lagu ansixiyay sharciyo muhiim ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Shirka Golaha Wasiirada oo lagu ansixiyay sharciyo muhiim ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta ansaxiyey Siyaasadda Ganacsiga Qaranka, Siyaasadda Horumarinta Warshadaha Soomaaliyeed iyo siyaasadda Shirkadaha yar-yar iyo Kuwa dhexe oo muddooyinkii dambe ay ka shaqeynaysay sidoo kale na soo diyaarisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, waxaana kulanka shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Saddexdan siyaasaddood, ayaa ahmiyad weyn u leh dhaqaalaha wadanka, shaqo-abuurka, horumarka iyo fududeynta ganacsiga, kor-u-qaadista wax-soo-saarka Warshadeynta, cayimidda aagga Warshadaha ee dalka, wax-ka-qabashada caqabadaha hortaagan horumarka Warshadaha, taageerista ganacsiyada yar-yar iyo kuwa dhaxe, dhiiri-gelinta maal-gashadeyaasha, tiknoolajiyadda, dhiiri-gelinta ganacsiga haweenka iyo hal-abuurka ganacsiga dhallinyarada, horumarinta dhoofka badeecadaha dalka, isku-dheeli-tirka ganacsiga iyo weli ba xoojinta heshiisyada ganacsiga ee gobalka iyo kuwa caalamka ba.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

December 13, 2025
Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

December 13, 2025

Siyaasaddahan, ayaa ay dedaal xoog ah ku bixiyeen madaxda Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo uu ugu horreeyo Wasiirka Wasaaradda Mudane Khaliif Cabdi Cumar, Wasiir-dawlaha, Wasiir ku xigeenka, Agaasimaha Guud, Agaasime Waaxeedyada iyo weli sidoo kale la-taliyeyaasha Wasaaradda, waxaana ay soo mareen marxalado kala duwan, iyada oo la-tashiyo laga la soo sameeyey dhammaan hay’adaha dawladda ee ay khusayso, dawladaha xubnaha ka ah dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo ganacsatada iyo warshadlayda dalka, waxaana ay noqonaysaa muddo 30sanno ka dib markii ugu horreysay ee Soomaaliya yeelanayso siyaasado noocan oo kale ah.

Dhinaca kale Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Hindise Sharciyeedka Sharciga Howl-gabka iyo Liil-tirka Shaqaalaha Rayidka ee Dawladda oo ay horgeysay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Yoolka guud ee Hindise Sharciyeedka Sharciga  Howl-gabka iyo Liil-tirka Shaqaalaha Rayidka Dowladda waa in la helo, la xaqiijiyo lana siiyo shaqaalaha rayidka Dawladda daryeel hawlgab iyo liiltir sugan oo ku habboon shaqaala rayidka kaasoo ah mid la joogteyn karo.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax wuxuu sheegay meelmarinta sharcigan inay muhiimad u leedahay Shaqaalaha Rayidka Dawladda.

“Waa dhacdo taariikhi ah ansixinta hindisahan, waxaan boggaadin oo aan u mahadcelinayaa howlwadeennada waqtiga iyo juhdiga galiyay iyo Golaha Wasiirrada oo dhaqangeliyay.” ayuu ku daray Wasiir Duraan Faarax.

Previous Post

Wafuud kala duwan oo si diiran loogu soo dhaweeyay Beladweyne

Next Post

Akhriso War-murtiyeedka ka soo baxay shirka Dowladda Federaalka iyo Midowga Murashixiinta

Next Post
Ra’isul wasaare Rooble oo la kulmay Midowga Murashaxiinta +Sawirro

Akhriso War-murtiyeedka ka soo baxay shirka Dowladda Federaalka iyo Midowga Murashixiinta

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta qaatay Kaarka Cod-bixinta ee Guddiga Madaxa Bannaan...

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa magaalada Abu Dubai kulama...

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Oo Hawlgal Ka Dhan Ah Khawaarijta Ka Sameeyay Jubbadda Hoose

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Oo Hawlgal Ka Dhan Ah Khawaarijta Ka Sameeyay Jubbadda Hoose

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO(JUBBADA HOOSE): Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgal amni ka fuliyay magaalada Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu...

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada caasimadda

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada caasimadda

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xalay la kulmay qaad kamid ah bulshada magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In