Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso War-murtiyeedka ka soo baxay shirka Dowladda Federaalka iyo Midowga Murashixiinta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Ra’isul wasaare Rooble oo la kulmay Midowga Murashaxiinta +Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maanta oo ay taariikhdu tahay 25-ka Febraayo,2021 waxaa shir isugu yimid magaalada Muqdisho Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Midowga Musharaxiinta.

Wada xaajood iyo falanqeyn dheer ka dib waxaa lagu heshiiyay qodobbada soo socda:

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
  1. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ka xuntahay wixii ka dhacay Magaalada Muqdisho 19-kii Febraayo 2021, waxayna uga tacsiyeyneysaa shacabka Soomaaliyeed iyo Midowaga Murashaxiinta ee waxyeelladu ka soo gaartay, waxaana la isla gartay in loo saaro guddi madaxbannaan oo baaritaan ku soo sameeya sidii ay wax u dheceen.
  1. Sida uu qabo qodobka 20aad ee Dastuurka KMG ah ee JFS, Qof kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu abaabulo, kana qaybgalo bannaabax si xasilooni ah cabasho loogu muujinayo. Sidaas darteed Xukuumada Federaalka Soomaaliya waxay damaanad qaadaysaa in ay ilaalineyso xuquuqdaas dastuuriga ah.

 

  1. Dowladda Federaalka iyo Midowga Musharaxiintu waxa ay ka wada shaqeynayaan sidii loo qaban lahaa bannaanbax si nabadgelyo ah ku dhaca iyadoo dowladdu ilaalineyso amniga iyo badqabka bulshada Soomaaliyeed.

 

  1. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Murashaxiintu waxa ay isla garteen in dib loo dhigo Mudaharaadkii qorsheysnaa maalinta Jimcaha ee ku beegan 26 Febaraayo 2021.

 

  1. Bannaanbaxa dib loo dhigay waxa uu ku dhici doonaa muddo 10 cisho gudohood ah, waxaana loo xil saaray guddi wada jir ah.

 

  1. Waxaa la isku afgartay in arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka wadahadalladooda la sii wado, si loo gaaro qabashada doorasho xor iyo xalaal ah.

 

Previous Post

Shirka Golaha Wasiirada oo lagu ansixiyay sharciyo muhiim ah “SAWIRRO”

Next Post

Akhriso Khudbadihii laga jeediyay shirkii dowladda Federaalka iyo Midowga Murashixiinta “SAWIRRO”

Next Post
Akhriso Khudbadihii laga jeediyay shirkii dowladda Federaalka iyo Midowga Murashixiinta “SAWIRRO”

Akhriso Khudbadihii laga jeediyay shirkii dowladda Federaalka iyo Midowga Murashixiinta "SAWIRRO"

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In