Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso Khudbadihii laga jeediyay shirkii dowladda Federaalka iyo Midowga Murashixiinta “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
February 25, 2021
in Wararka
0
Akhriso Khudbadihii laga jeediyay shirkii dowladda Federaalka iyo Midowga Murashixiinta “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka amniga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Xundubey Jimcaale ayaa sheegay in Wasaaradda ay dhaqan gelin doonto heshiiska iyo is afgaradka lagu gaaray shirka wadatashiga ah ee caawa uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya la yeeshay Midowga Musharaxiinta, kaasi oo diiradda lagu saaray qodobo ay ka midyihiin arrimaha doorashooyinka iyo amniga dalka.

Wasiirka amniga ayaa xusay in Xukuumadda ay markasta ka go’antahay inay wada hadal la yeelato cidkasta oo qabto tabasho.

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho mudane Cumar Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in caawa bulshada Soomaaliyeed ay u tahay talaabo guul ah, isla markaana wixii hadda ka dambeeya loo istaagi doono sidii wada jir loola dagaalami lahaa cadowga Ummadda Soomaaliyeed ee Al-Shabaab.

Madaxweyaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sheegay in ay tahay wax lagu farxo shirka caawa guusha ku soo dhamaaday oo ay Alle uga mahadcelinayaan in caawa la isku afgartay waxkasta oo tabasho laga qabay, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in dalka ay ka dhici doonto doorasho xaq iyo xalaal ah oo raali la isaga wada yahay, ayna sii socon doonaan kulamada nuucaani oo kale ah.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay dadkii ay waxyeelada ka soo gaartay falkii dhacay 19-kii February,  isagoo mahadcelin u jeediyay cidkasta oo gacan ka geysatay qabsoomidda shirka, ayna sii socon doonaan kulamada lagu sii amba qaadayo hannaanka doorashooyinka dalka.

Axmed Cabdi Kaariye ayaa ugu baaqay in cidkasta oo ka maqan arrimaha ku saabsan in dalka ay ka dhacdo doorasho ay ka soo qeyb galaan shirka.

Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka mid ah murashixiinta ayaa sheegay in Midowga Musharixiinta ay ka go’antahay hirgelinta waxyaabaha lagu heshiiyay.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo madasha ka hadlay ayaa xusay in 19-kii February ay ahayd dhacdo xanuun badan, balse kulamo kale oo gaar ah laga yeelan doono, isagoo daboolka ka qaaday in wixii maanta ka dambeeya ay sii socon doonaan shirarka looga hadlayo misiirka dalka.

Madaxweynihii hore ee Galmudug mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa hoosta ka xariiqay in wada hadalka ay yeesheen Wafdiga uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Midowga Murashixiinta ay horseedi doonto in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, isagoo xusay in labada dhinac ay muujiyeen isu tanaasul.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud aya sheegay in hadafka ugu weyn ee la hiigsanayo ay tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho, isagoo bogaadiyay qofkasta oo ra’yi qaba ama tabasho laga dhageysto lagana qanciyo.

Madaxweynihii hore Soomaaliya ahna Guddomiyaha Midowga Murashixiinta Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay dadkii ka soo shaqeeyay qabsoomidda shirka, waxaana uu intaa ku daray in dowladnimada ay aas aas u tahay sharci iyo wada hadal.

“Nidaamka dimoqraadiga ah ee aan maanta ku shaqeynayno waa nidaam curdun ah, dadka Soomaaliyeed waa inay daremaan taas, waxaan aamisnaahay in ilalainta sharciga ay tahay mid dastuuri ah, qofkastana uu arrintas gacan ka geysto, dhamaanteen aan wada ilaalino sharciga”. Ayuu yiri Mudane Shariif Sheekh Axmed.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shirka soo xiray ayaa sheegay in heshiis is afgarad ah la gaaray caawa, isla markaana ay Ummadda Soomaaliyeed u tahay habeen taariikhi ah.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan leeyahay waan idin maqanahay, waa noo muhiim xoriyatul qowlka, mudaaharaad waa waajib dastuuri ah oo qokasta oo Soomaali ah uu xaq u leeyahay, waxaa kaloo waajib ah in laga wada shaqeeyo sugidda amniga, shacabka Soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa inay nagu garab istaagaan sidi uu dalkan uga dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble oo hadalkiisa ku daray in dowladda ay ka go’antahay qabsoomidda doorashada.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Midowga murashixiinta ka codsaday inay gacan ka geystaan sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho, waxaana uu hoosta ka xariiqay in dalka uu ku jiro xaalad adag oo dhanka caafimaadka ah, maadaama uu soo labo kacleeyay xanuunka COVID-19, qofkastana looga baahanyahay in uu ka qeyb qaato sidii loo yareyn lahaa faafidda cudurka.

Previous Post

Akhriso War-murtiyeedka ka soo baxay shirka Dowladda Federaalka iyo Midowga Murashixiinta

Next Post

IGAD oo soo dhaweysay heshiiskii xalay Muqdisho lagu gaaray.

Next Post
IGAD welcomes government efforts to integrate Ahlu sunna forces into somali national forces

IGAD oo soo dhaweysay heshiiskii xalay Muqdisho lagu gaaray.

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In