Bankiga dhexe ee dalka ayaa maanta shatiga siiyay shirkada Isgaarsiinta Hormuud oo bixisa adeega EVC oo ah adeeg lacagaha la’iskugu diro taleefoonada Gacanta
Munaasbad kooban oo ay ka qeybgaleen Wasiiro ka mid ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Banka dhexe ee dalka, mas’uuliyiin ka socotay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud iyo marti sharaf ganacsato u badan ayaa xafladda lagu casuumay oo marki ugu horeeysay maanta lagu bixiyay shatiga lacagaha taleefanada la isugu diro ee Shirkada Hormuud.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirixmaan Ducaalle Beyle oo furay munaasabadda ayaa sheegay inay ku faraxsanyahay dadaalka xoogga leh ee lagu habeeynayo nidaamka maaliyadda Soomaliya.
Guddoomihaha Bangiga dhexe ee dalka Cabdirixmaan Maxamed Cabdullaahi oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in bandhiga dhexe labadi sano ee ugu danbeeysay uu waday nadaamka habeenta maaliyadda dalka, isaga oo shati guddoonsiiyay shirkadda Hormuud oo ah leesinka ugu horeeyay ee la siiyo shirkad bixisa adeega lacagta la isugu diro.