Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Galmudug oo guddi u magacaawday la tacaalidda COVID-19 “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Galmudug oo guddi u magacaawday la tacaalidda COVID-19 “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Marxaladda soo labo kacleynta xanuunka Safmarka ah ee COVID-19 oo saameyn balaaran ku yeelatey Dalka oo dhan ayaa todobaad gudihii Galmudug laga diiwaangaliyey 13-kiis oo dhamaantood laga helay magaalada Samareeb ee caasimadda Galmudug.

Welwelka laga qabo kororka tirada bukaanada  uu soo ridanayo xanuunkan iyo xaaladaha dhabta ah ee ka jira xarumaha hore loogu diyaariyey in ay qaabilaan dadka caawinta u baahan darteed ayaa fadhigan oo uu shir-guddoomiyay ku-simaha Madaxweynaha Galmudug ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Dr. Maxamed Nuur Gacal ayna ka qayb galeen Wasaaraddaha Caafimaadka, Amniga, Arrimaha Guddaha, Cadaaladda, Maaliyadda, Gaadiidka, Awqaafta iyo Diinta, Shaqada iyo Shaqaalaha iyo xubno kale oo uu ka mid yahay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Galmudug ayaa diiradda lagu saarey sidii loo sameyn lahaa diyaar garow mug leh.

Related posts

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

January 10, 2026
Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

January 10, 2026

Dhamaan Wasaaraddaha fadhigan ka qayb galey ayaa laga dhageystay talooyin la xiriira talaabooyinka la qaadayo ee hortabinta u leh howlaha ka hor-tagidda iyo la tacaalidda soo labo kacleynta xanuunka COVID-19.

Wasiiru-dowlaha Caafimaadka Galmudug Axmed Mirre Faafaale oo ugu horeyn Warbaahinta warbixin ka siiyay go’aanada shirkan kasoo baxey ayaa sheegay in la isku afgatay in dib loo furo dhamaan xarumihii karantiilka ee Degmooyinka Galmudug.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqey Guddi ka kooban 9-xubnood oo isugu jira Wasaarado ay hormuud u tahay Wasaaradda Caafimaadka, kuwaa oo diyaarin doona qorshayaasha la tacaalidda Safmarka COVID-19.

Previous Post

Dowladda Soomaaliya oo markii ugu horeysay bixisay shatiga lacagaha la’isugu diro taleefoonada Gacanta

Next Post

Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka

Next Post
DAAWO: Wasiirka Caafimaadka oo bulshada fariimo cusub la wadaagtay

Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

January 10, 2026
0

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada Jeddah kulan ay kaga hadleen horumarrada...

The OIC, the State of Palestine join Somalia in condemning Israeli interference into its sovereignty and territorial integrity

The OIC, the State of Palestine join Somalia in condemning Israeli interference into its sovereignty and territorial integrity

January 10, 2026
0

The Council of Foreign Ministers of the Organization of Islamic Cooperation (OIC) held its 22nd extraordinary session today, Saturday, 10...

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Somalia FM Addresses OIC Meeting, Calls for Protection of Somalia’s Sovereignty

January 10, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, delivered a speech on Saturday evening at the...

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

January 10, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali oo khudbad ka jeediyay Shirka Wasiirrada Arrimaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In