Tuesday, September 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Madaxweynihii hore Cali Mahdi

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday uga tacsiyadeeyay geerida Allaha ha u naxriistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo ku geeriyooday Magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya.

“Innaa lillaah wa innaa Illeehi raajicuun Waxaan guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskiisa iyo eheladiisa uga tacsiyadeynayaa geeridii ku timid Allaha ha u naxriistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdii Maxamed oo ku geeriyooday Magaaladda Nairobi,  marxuumka Illaahey janatul fardowsa haka waraabiyo, guud ahaan Shacabka Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskiisa iyo qaraabadiisana samir iimaan Allaha haka siiyo” ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Mursal.

Related posts

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada  Urur-Goboleedka IGAD

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada Urur-Goboleedka IGAD

September 15, 2026
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

September 15, 2026

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka mar uu ka hadlay doorkii Allaha ha u naxriistee Madaxweyne Cali Mahdi uu ku lahaa dhisida dowladnimada Soomaaliya waxa uu yiri ”Illaahey ha u naxriistee Madaxweyne Cali Mahdi waxa uu kaalin weyn ku lahaa dib u yagleelida Dowladnimada Soomaaliya gaar ahaan shirarkii dib u heshiisiinta,waxaana uu ahaa oday Soomaaliyeed oo nabadaynta Soomaaliyeed kaalin weyn ku lahaa rabi ha u naxriisto”

Allaha ha u naxriistee Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed waxa uu sanadka markii uu ahaa 1938-dii uu ku Dhashay tuulada Caddoow-uul oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe, Waxaana uu waxbarashadiisa ku qaatay Magaaladda Muqdish,isagoo Sidoo kale waxbarasho u aaday Dalka Masar.

Waxa uu ahaa sanadkii 1969-kii Xubin ka noqday Baarlamaankii Soomaaliya ee xiligaas jiray,maanta ayuu ku geeriyooday Magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya.

‎“إنا لله وإنا إليه راجعون”

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida AUN Madaxweynihii hore Cali Mahdi

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Madaxweynihii hore ee dalka

Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble oo Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida AUN Madaxweynihii hore Cali Mahdi

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Madaxweynihii hore ee dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada  Urur-Goboleedka IGAD

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada Urur-Goboleedka IGAD

September 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka qayb galay Kalfadhiga 74-aad ee...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

September 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay saddex arday oo Soomaaliyeed oo...

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare oo xarunta Safaaradda ku qaabishay Safiirka cusub Masar

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare oo xarunta Safaaradda ku qaabishay Safiirka cusub Masar

September 15, 2026
0

‎Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Uganda, Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Safiirka Jamhuuriyadda Carabta Masar u...

Guddiga Aqalka Sare oo Wasaaradda Deegaanka Su’aalo Ka Weydiiyay Dhisidda Hay’adda Saadaasha Hawada

Guddiga Aqalka Sare oo Wasaaradda Deegaanka Su’aalo Ka Weydiiyay Dhisidda Hay’adda Saadaasha Hawada

September 15, 2026
0

Guddiga Khayraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Aqalka Sare ee BJFS, iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo, ayaa maanta xafiiskooda ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In