Turkiga iyo Masar ayaa sameeyay xiriirkii diblomaasi ee ugu horeeyay tan iyo 2013, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Mowliid Jaawish Oglu.
“Waxaa sameynay xiriir sirdoon iyo mid wasiirada arrimaha dibada ah oo aan Masar la yeelanay. Xiriirka diblomaasiyadda mar hore ayuu bilowday,” sidaa waxaa warisay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu oo jimcahan maanta ah soo xigatay wasiirka.
Anadolu ayaa sidoo kale, ka soo xigatay wasiir Jaawish Oglu kalsooni daro waa iska caadi marka hore ee wadahadalka ku jiro wajiga koowaad, waxaana jira shuruudo hor u dhac ah oo labada dhinac midba kan kale hor dhigay.
Xiriirka Turkiga iyo Masar ayaa sii xumaaday markii militiriga uu Cabdfitaax el-Sisi hogaaminayo ay afgembiyeen madaxweynaha Turkigu taageersanaa ee Maxamed Mursi.
Labadan quwadood ee gobolka Bariga dhexe waxay isku khilaafeen arrimo ay kamid yihiin dagaalka Libya oo ay kala taabeereyeen dhinacyada isku hayay iyo arrinta bariga badda Mediterranean.
Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga ayaa sidoo kale sheegay in ay diyaar u yihiin in xiriir diblomaasiyadeed la yeeshaan dalalka Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga.