Dalka Sri Lanka ayaa mamnuucaya xirashada jilbaabka sidoo kalena waxaa la xiri doonaa 1,000 madaraso oo lagu barto diinta Islaamka, talaabadan ayaa si weyn u sameyn doonta muslimiinta tirada yar ee dalkaas ku nool.
Wasiirka nabad geliyad guud Sarath Weerasekera ayaa shir jaraaโid ka sheegay sabtida maanta ah ka dib markii jimcihii shalay golaha wasiirada ansixiyeen go’aankan, waxaana lagu sababeeyay sugidda amniga qaranka.
Sidan oo kale dowladda ayaa 2019 joojisay xirashada jilbaabka ka dib markii qaraxyo lagu beegsaday Kiniisado iyo Hoteelo ku yaala dalka Sri Landka, kuwaas oo lagu dilay in ka badan 250 ruux.
Muslimiinta Sri Landka ayaa goโaanka dowladda u arka mid xadgudub ku ah xuquuqdooda diineed iyo tan muwaadin.
Weerasekera ayaa sheegay in dowladda sidoo kale mamnuuceyso 1,000 madaraso, kuwaas oo uu ku eedeeyay in ay jabiyeen siyaasadda waxbarashada dalka, sida uu hadalka u dhigay.
โQofna inta dugsi furto waxa uu rabo ma bari doonto carruurta,โ ayuu yiri wasiirka.
Mamnuucista jilbaabka ay xirtaan gabdhaha muslimiinta ayaa daba socda goโaan dowladdu soo saartay sanadkii hore oo ahaa in qof kasta oo coronavirus u dhinta la gubo, goโaankaas oo ka soo hor jeeda sharciga islaamka.
Laakiin go’aankaas ayaa meesha laga saaray markii dowladda dhaleeceyn caalami ahย kala kulantay Mareykanka iyo kooxaha xuquuqul insaanka.