Monday, June 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dawladda Suudaan oo Codsatay Dhex-dhexaadin Afar geesood ah si Loo Xalliyo Khilaafka Ka Dhashay Biyaha Wabiga Niil.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 16, 2021
in Wararka
0
Dawladda Suudaan oo Codsatay Dhex-dhexaadin Afar geesood ah si Loo Xalliyo Khilaafka Ka Dhashay Biyaha Wabiga Niil.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Suudaan waxay ka digtay abaabulka hal dhinac ah ee Itoobiya wado kaasi oo ay ku samaysanayso biyo xireenka Renaissance Dam ee wabiga Niil, waxayna Suudaan ugu baaqday Qaramada Midoobay, Midowga Africa iyo iyo Mareykanka inay dhex-dhexaadiyaan khilaafaadka taagan ee ka dhashay isticmaalka biyaha wabiga ee biyo xireenka Ethiopia.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suudaan Maryam Al-Sadiiq Al-Mahdi ayaa ugu baaqday Midowga Afrika in ay qaadaan tallaabooyin la taaban karo oo lagu xallinayo khilaafka ka taagan Biyo-xireenka Renaissance ee ay wado Dawladda Ethiopia, ka hor inta uusan khilaafku gaarin meel adag.

Related posts

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

June 9, 2025
Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

June 9, 2025

Maryam Al-Mahdi ayaa waxay sidoo kale magaalada Kharthoum kula kulantay safiirka midowga afrika u fadhiya Suudaan Mohamed Belaysh,  iyadoo u sheegtay Ethiopia ay ku fashilantay in ay u hogaansanaato sidii loo gaari lahaa heshiis ku saabsan sidii dalalka ku teedsan wabiga ay ka heshiiyaan qaabka loo isticmaalayo biyaha wabiga.

Suudaan waxay sheegtay in dhismaha biyo xireenka wabiga Niil ee Ethiopia ay tahay arrin khatar gelineysaa malaayiin shacabka reer Suudaan ah, iyadoo ka digtay in tallaabada ay noqon karto mid lagala kulmi doono cawaaqib xumo aan wax laga qaban karin mustaqbalka.

Raiisel wasaaraha Suudaan Abdullah Hamdok ayaa goor hore waraaqo rasmi ah u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay,  Midowga Yurub Wasaaradda Arimaha Dibada ee Maraykanka iyo midowga Africa isagoo u caddeeyey in Suudaan aysan aqbalayn tallaabada halka dhinac ah ee aan laga wada tashan ee ay qaaday Ethiopia.

Ra’iisal Wasaare Xamduuk ayaa sidoo kale warqadaha uu gudbiyay ku sheegay kuna baaqey muhiimadda ay leedahay in dhinacyadaas ay dhexdhexaadin iyo wadaxaajood kadhex sameeyaan arrinta biyo xireenka Renaissance.

Previous Post

DF iyo Midowga Yurub oo kala saxiixday heshiis quseeya dhismaha wadooyin muhiim u ah dalka

Next Post

Wasaaradda Caafimaadka Falastiin oo Sheegtay In Xaaladda COVID19 ee Dalkaasi ay Tahay Mid Khatar Badan Xiligan.

Next Post
Wasaaradda Caafimaadka Falastiin oo Sheegtay In Xaaladda COVID19 ee Dalkaasi ay Tahay Mid Khatar Badan Xiligan.

Wasaaradda Caafimaadka Falastiin oo Sheegtay In Xaaladda COVID19 ee Dalkaasi ay Tahay Mid Khatar Badan Xiligan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

June 9, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay...

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

June 9, 2025
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar Roobow Cali, ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay kaalinta...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

June 9, 2025
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa magaaalada Makka kula kulmey Madaxa...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan dhiirrigelin iyo is-xogwareysi ah la qaatay 20-Diblumaasiyiin da’yar Soomaaliyeed

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan dhiirrigelin iyo is-xogwareysi ah la qaatay 20-Diblumaasiyiin da’yar Soomaaliyeed

June 9, 2025
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha waxay si sharaf leh u martigelisay 20 diblumaasi oo da’yar ah oo dhameystay barnaamij...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In