Sunday, May 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dawladda Suudaan oo Codsatay Dhex-dhexaadin Afar geesood ah si Loo Xalliyo Khilaafka Ka Dhashay Biyaha Wabiga Niil.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
5 years ago
in Wararka
0
Dawladda Suudaan oo Codsatay Dhex-dhexaadin Afar geesood ah si Loo Xalliyo Khilaafka Ka Dhashay Biyaha Wabiga Niil.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Suudaan waxay ka digtay abaabulka hal dhinac ah ee Itoobiya wado kaasi oo ay ku samaysanayso biyo xireenka Renaissance Dam ee wabiga Niil, waxayna Suudaan ugu baaqday Qaramada Midoobay, Midowga Africa iyo iyo Mareykanka inay dhex-dhexaadiyaan khilaafaadka taagan ee ka dhashay isticmaalka biyaha wabiga ee biyo xireenka Ethiopia.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suudaan Maryam Al-Sadiiq Al-Mahdi ayaa ugu baaqday Midowga Afrika in ay qaadaan tallaabooyin la taaban karo oo lagu xallinayo khilaafka ka taagan Biyo-xireenka Renaissance ee ay wado Dawladda Ethiopia, ka hor inta uusan khilaafku gaarin meel adag.

Related posts

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

May 31, 2026
Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

May 31, 2026

Maryam Al-Mahdi ayaa waxay sidoo kale magaalada Kharthoum kula kulantay safiirka midowga afrika u fadhiya Suudaan Mohamed Belaysh,  iyadoo u sheegtay Ethiopia ay ku fashilantay in ay u hogaansanaato sidii loo gaari lahaa heshiis ku saabsan sidii dalalka ku teedsan wabiga ay ka heshiiyaan qaabka loo isticmaalayo biyaha wabiga.

Suudaan waxay sheegtay in dhismaha biyo xireenka wabiga Niil ee Ethiopia ay tahay arrin khatar gelineysaa malaayiin shacabka reer Suudaan ah, iyadoo ka digtay in tallaabada ay noqon karto mid lagala kulmi doono cawaaqib xumo aan wax laga qaban karin mustaqbalka.

Raiisel wasaaraha Suudaan Abdullah Hamdok ayaa goor hore waraaqo rasmi ah u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay,  Midowga Yurub Wasaaradda Arimaha Dibada ee Maraykanka iyo midowga Africa isagoo u caddeeyey in Suudaan aysan aqbalayn tallaabada halka dhinac ah ee aan laga wada tashan ee ay qaaday Ethiopia.

Ra’iisal Wasaare Xamduuk ayaa sidoo kale warqadaha uu gudbiyay ku sheegay kuna baaqey muhiimadda ay leedahay in dhinacyadaas ay dhexdhexaadin iyo wadaxaajood kadhex sameeyaan arrinta biyo xireenka Renaissance.

Previous Post

DF iyo Midowga Yurub oo kala saxiixday heshiis quseeya dhismaha wadooyin muhiim u ah dalka

Next Post

Wasaaradda Caafimaadka Falastiin oo Sheegtay In Xaaladda COVID19 ee Dalkaasi ay Tahay Mid Khatar Badan Xiligan.

Next Post
Wasaaradda Caafimaadka Falastiin oo Sheegtay In Xaaladda COVID19 ee Dalkaasi ay Tahay Mid Khatar Badan Xiligan.

Wasaaradda Caafimaadka Falastiin oo Sheegtay In Xaaladda COVID19 ee Dalkaasi ay Tahay Mid Khatar Badan Xiligan.

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dhaarinta Xildhibaanada Koofur-Galbeed: Riyadii hadda waa run. Shalay, Magaalada Baydhabo waxaa lagu dhaariyay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dawlad-goboleedka Koofur...

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee...

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan la qaatay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka...

Horjoogayaal lagu dilay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose

Horjoogayaal lagu dilay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Hanti Wadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay laba...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In