Wednesday, August 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wax ka badalka qabyo qoraalka dastuurka dalka oo lagu qabtay caasimadda Galmudug “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
March 18, 2021
in Wararka
0
Wax ka badalka qabyo qoraalka dastuurka dalka oo lagu qabtay caasimadda Galmudug “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Arimaha Dastuurka Galmudug oo mudooyinkan Dowladda Federaalka kala shaqeynaysay latashiyada bulshada ee dhameystirka qabyo qoraalka Dastuurka Dalka ayaa maanta magaalada Samareeb ka daah-furtay kulan ay ka qayb galayaan bahda garsoorka iyo culimada magaalada, laguna gorfeynayo gaba gabeynta qabyo qoraalka 2-aad ee Dastuurka Dalka iyo u diyaar garowga qaybyo qoraalka 3-aad ee hannaanka dib u eegista dastuurka

Kulankan oo soconayo mudo 3-maalmood ah  ayaa waxaa daah furkiisa ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka Galmudug Cumar Axmed Sheekh Aadan iyo  Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasadda Caasimada Galmudug Cabdi Xaashi Caroole, waxaana muddada kulankan uu socdo laga doodi doonaa qodobo waaweyn oo ka mid ah Dastuurka oo ay gaban gabo mareyso qabyo qoraalkiisa 2-aad.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS  oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS  oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

August 13, 2025
Madaxweynaha JFS oo amray in ciidamadii ka tallaabay xuduudda ay dib ugu soo laabtaan dalka

Madaxweynaha JFS oo amray in ciidamadii ka tallaabay xuduudda ay dib ugu soo laabtaan dalka

August 13, 2025

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasada Caasimadda Galmudug Cabdi Xaashi Caroole oo ugu horeen kulanka daah furay ayaa u jeediyay ka qayb galayaasha in ay keenaan aragtiyo wax gal ah oo qayb ka noqda gaba gabada qabyo qoraalka labaad ee Dastuurka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka Galmudug Cumar Axmed Sheekh Aadan ayaa tilmaamay in bulshada uu ahmiyad u leeyahay fikir aruurintii muddada dheer soo socotay ee laga sameeyay deegaano badan oo ka mid ah Gobolada Dalka, isagoo intaa ku daray in bulshada Galmudug dhankooda looga fadhiyo inay talo ku darsadaan qabyo qoraalka dastuurka dalka.

Previous Post

Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya

Next Post

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Next Post
Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS  oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS  oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

August 13, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee Guddoomiyaha Guddiga Sare...

Madaxweynaha JFS oo amray in ciidamadii ka tallaabay xuduudda ay dib ugu soo laabtaan dalka

Madaxweynaha JFS oo amray in ciidamadii ka tallaabay xuduudda ay dib ugu soo laabtaan dalka

August 13, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku geeriyooday dagaalkii dhawaan ka dhacay gobolka Gedo,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

August 12, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta isaka diiwaan-geliyey goobta diiwaan-gelinta codbixiyayaasha ee Degmada Warta-Nabadda ayaa ku...

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

August 12, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Jeneraal Khaalid,” ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In