Friday, April 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Iiraan iyo Shiinaha  oo isku afgartay saxiixa heshiis istiraatiiji ah

caqiil by caqiil
5 years ago
in Wararka
0
Iiraan iyo Shiinaha  oo isku afgartay saxiixa heshiis istiraatiiji ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waddamada Iiraan iyo Shiinaha ayaa maanta oo Sabti ah kala saxiixan doona heshiis iskaashi oo istiraatiiji ah kaas oo socon doona 25 sano, sida uu sheegay af-hayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan, oo lagu magacaabo Siciid Khadiib Zadeh.

Siciid Khadiib ayaa ku sheegay wareysi uu siiyay telefishanka dowladda in qoraal iskaashiga oo wada jir ah  la saxiixi doono maanta, inta lagu guda jiro booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi, kaasi oo  Jimcahii  gaaray Dehraan.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Madaxweyne Erdoğan

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Madaxweyne Erdoğan

April 16, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Istiraatiijiyadda Qaran ee La-dagaallanka musuqmaasuqa oo la ansixiyey

April 16, 2026

Afhayeenka  ayaa xusay in heshiiska uu diiradda saarayo dhinacyada dhaqaalaha, siyaasada iyo ka qeybgalka Iiraan ee mashruuca Belt, kaasi oo ah qorshe weyn oo Shiinaha uu ku dhisaayo mashaariicda kaabayaasha dhaqaalahiis si kor loogu qaado xiriirka ganacsi ee Beijing ay ka damacsantahay in ay la yeelato Qaaradaha Aasiya, Yurub iyo Afrika.

Heshiiska ayaa waxaa maanta lagu saxiixi doonaa dhismaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan kaasoo ay si wada jir ah u saxiixi doonaan Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan Maxamed Jawaad Dariif iyo dhigiisa Shiinaha Wang Yi.

Previous Post

Khasaaraha Ganacsiga oo Caalamka Ka soo Gaaray Markabka Ku Caariyay Marinka Suweys

Next Post

Madaxda maamul goboleedyada dalka oo shir uga furmay Muqdisho

Next Post
Madaxda maamul goboleedyada dalka oo shir uga furmay Muqdisho

Madaxda maamul goboleedyada dalka oo shir uga furmay Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Madaxweyne Erdoğan

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Madaxweyne Erdoğan

April 16, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Dolmabahçe ee magaalada Istanbul waxa uu kulan kula yeeshay Madaxweynaha...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Istiraatiijiyadda Qaran ee La-dagaallanka musuqmaasuqa oo la ansixiyey

April 16, 2026
0

War-saxaafadeed: Ansixinta Istiraatiijiyadda Qaran ee La-dagaallanka musuqmaasuqa (NACS - 2026–2030).  

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Safiirka Hindiya ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadda Danjirenimo

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Safiirka Hindiya ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadda Danjirenimo

April 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa xarunta Wasaaradda ku...

Ciidanka Xoogga oo howlo biyo dhaamin ah ka wada deegaanada Gobolka Sh/Hoose

Ciidanka Xoogga oo howlo biyo dhaamin ah ka wada deegaanada Gobolka Sh/Hoose

April 16, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka yaa gurmad biyo Dhaamin ah u sameeyay shacabka ku dhaqan Deegaanka Dhanaane ee duleedka Degmada Marka oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In