Thursday, July 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Iiraan iyo Shiinaha  oo isku afgartay saxiixa heshiis istiraatiiji ah

caqiil by caqiil
5 years ago
in Wararka
0
Iiraan iyo Shiinaha  oo isku afgartay saxiixa heshiis istiraatiiji ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waddamada Iiraan iyo Shiinaha ayaa maanta oo Sabti ah kala saxiixan doona heshiis iskaashi oo istiraatiiji ah kaas oo socon doona 25 sano, sida uu sheegay af-hayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan, oo lagu magacaabo Siciid Khadiib Zadeh.

Siciid Khadiib ayaa ku sheegay wareysi uu siiyay telefishanka dowladda in qoraal iskaashiga oo wada jir ah  la saxiixi doono maanta, inta lagu guda jiro booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi, kaasi oo  Jimcahii  gaaray Dehraan.

Related posts

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka XDS oo la kulmay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Afrika

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka XDS oo la kulmay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Afrika

July 29, 2026
Tababarka wajigii labaad ee Kobcinta Awoodda Maaliyadda Cimilada oo la soo gabagabeeyay

Tababarka wajigii labaad ee Kobcinta Awoodda Maaliyadda Cimilada oo la soo gabagabeeyay

July 29, 2026

Afhayeenka  ayaa xusay in heshiiska uu diiradda saarayo dhinacyada dhaqaalaha, siyaasada iyo ka qeybgalka Iiraan ee mashruuca Belt, kaasi oo ah qorshe weyn oo Shiinaha uu ku dhisaayo mashaariicda kaabayaasha dhaqaalahiis si kor loogu qaado xiriirka ganacsi ee Beijing ay ka damacsantahay in ay la yeelato Qaaradaha Aasiya, Yurub iyo Afrika.

Heshiiska ayaa waxaa maanta lagu saxiixi doonaa dhismaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan kaasoo ay si wada jir ah u saxiixi doonaan Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan Maxamed Jawaad Dariif iyo dhigiisa Shiinaha Wang Yi.

Previous Post

Khasaaraha Ganacsiga oo Caalamka Ka soo Gaaray Markabka Ku Caariyay Marinka Suweys

Next Post

Madaxda maamul goboleedyada dalka oo shir uga furmay Muqdisho

Next Post
Madaxda maamul goboleedyada dalka oo shir uga furmay Muqdisho

Madaxda maamul goboleedyada dalka oo shir uga furmay Muqdisho

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka XDS oo la kulmay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Afrika

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka XDS oo la kulmay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Afrika

July 29, 2026
0

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ahna Taliyaha Ciidanka Dhulka, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta magaalada Muqdisho kula...

Tababarka wajigii labaad ee Kobcinta Awoodda Maaliyadda Cimilada oo la soo gabagabeeyay

Tababarka wajigii labaad ee Kobcinta Awoodda Maaliyadda Cimilada oo la soo gabagabeeyay

July 29, 2026
0

Sanduuqa Qaranka ee Cimilada ee Wasaaradda Maaliyadda, oo kaashanaya Ururka Bangiyada Soomaaliyeed ayaa soo gabagabeeyay maanta tababbarka wajigii labaad ee...

Danjire Hodan oo waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbisay Boqorka Japan ‎

Danjire Hodan oo waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbisay Boqorka Japan ‎

July 29, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, ahna Danjiraha aan degganayn ee Japan, Dr. Hodan Cusmaan Cabdi, ayaa...

Wasiir Fiqi” Waxaa jira mas’uuliyiin magac dilka dalka, Dowlado shisheeye lacago uga soo qaatay”,

Dowladda oo faahfaahin ka bixisay duqeymo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Khawaariijta

July 29, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaalkacyo, ayaa shaaciyay in howlgal duqeyn ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In