Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo gudbisay heshiisyo taariikhi ah oo ku aaddan dhowrista xaquuqda Shaqaalaha “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo gudbisay heshiisyo taariikhi ah oo ku aaddan dhowrista xaquuqda Shaqaalaha “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dawladda Soomaaliya ayaa markii u horreysay gudbisay toddobo heshiis oo caalami ah, kuwaasi oo ku aaddan xaquuqda Shaqaalaha.

Munaasabad ka dhacday Talaadada maanta xarunta  Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo habka fogaan aragga uu uga qeybgalay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Adduunka (ILO) , Guy Ryder iyo saraakiil kale ayaa si rasmi ah wuxuu Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax uu ku gudbiyay toddobo heshiis.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

“Waa dhacdo taariikhi ah, waxay Soomaaliya maanta hormuud ka noqotay toddobo heshiis oo caalami ah oo la xiriira xaquuqda Shaqaalaha.” ayuu yiri Wasiir Duraan oo inta ku daray “ Dadaal badan ayaan galinay, waana tallabo ka marqaati kacaysa sida ay nooga go’antahay xaquuqda iyo horumarinta Shaqaalaha.”

Heshiisyadan maanta ay xareysay hay’adda caalamiga ah ee Shaqaalaha Adduunka ILO waxaa qeyb ka ah Caafimaadka iyo Bad-qabka Shaqaalaha, Xaq-dhowrka Shaqaalaha muhaajiriinta, la-dagaallanka dhibaateynta iyo handadaada Haweenka shaqeeya iyo iskaashiga saddex geesoodka, ee Dawladda, loo shaqeeyaha iyo Shaqaalaha.

“Waa wax cajiib ah in Soomaaliya ay ansaxisay toddobo heshiis ee ILO.” ayuu yiri Agaasimaha guud ee Hay’adda ILO, Guy Ryder  “ Tallaabadan waxay muujineysa sida ay Soomaaliya uga go’antahay horumarinta nabadda iyo soo kabashada adkeysiga leh, iyada oo loo marayo shaqo hufan.” ayuu raaciyay.

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa dabayaaqadii bishii December ansaxiyay toddobada axdi oo qeyb ka ah heshiisyada  urur-weynaha Shaqaalaha ee ILO, kuwaa oo muhiimad u leh mabaad’iida aas-aasiga ah iyo xaquuqda Shaqada.

Previous Post

Nabadoon  Badal   “Waxaan soo jeedinayaa in  Madaxda ay xal ka gaaraan khilaafaadka   Arrimaha Doorashooyinka” Dhageyso

Next Post

Somalia wants to vaccinate 20% of its population

Next Post
Tallaalka Cudurka COVID19 oo maanta laga bilaabay Magaalada Muqdisho.

Somalia wants to vaccinate 20% of its population

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In