Friday, June 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo gudbisay heshiisyo taariikhi ah oo ku aaddan dhowrista xaquuqda Shaqaalaha “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
April 6, 2021
in Wararka
0
Soomaaliya oo gudbisay heshiisyo taariikhi ah oo ku aaddan dhowrista xaquuqda Shaqaalaha “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dawladda Soomaaliya ayaa markii u horreysay gudbisay toddobo heshiis oo caalami ah, kuwaasi oo ku aaddan xaquuqda Shaqaalaha.

Munaasabad ka dhacday Talaadada maanta xarunta  Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo habka fogaan aragga uu uga qeybgalay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Adduunka (ILO) , Guy Ryder iyo saraakiil kale ayaa si rasmi ah wuxuu Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax uu ku gudbiyay toddobo heshiis.

Related posts

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

June 5, 2025

“Waa dhacdo taariikhi ah, waxay Soomaaliya maanta hormuud ka noqotay toddobo heshiis oo caalami ah oo la xiriira xaquuqda Shaqaalaha.” ayuu yiri Wasiir Duraan oo inta ku daray “ Dadaal badan ayaan galinay, waana tallabo ka marqaati kacaysa sida ay nooga go’antahay xaquuqda iyo horumarinta Shaqaalaha.”

Heshiisyadan maanta ay xareysay hay’adda caalamiga ah ee Shaqaalaha Adduunka ILO waxaa qeyb ka ah Caafimaadka iyo Bad-qabka Shaqaalaha, Xaq-dhowrka Shaqaalaha muhaajiriinta, la-dagaallanka dhibaateynta iyo handadaada Haweenka shaqeeya iyo iskaashiga saddex geesoodka, ee Dawladda, loo shaqeeyaha iyo Shaqaalaha.

“Waa wax cajiib ah in Soomaaliya ay ansaxisay toddobo heshiis ee ILO.” ayuu yiri Agaasimaha guud ee Hay’adda ILO, Guy Ryder  “ Tallaabadan waxay muujineysa sida ay Soomaaliya uga go’antahay horumarinta nabadda iyo soo kabashada adkeysiga leh, iyada oo loo marayo shaqo hufan.” ayuu raaciyay.

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa dabayaaqadii bishii December ansaxiyay toddobada axdi oo qeyb ka ah heshiisyada  urur-weynaha Shaqaalaha ee ILO, kuwaa oo muhiimad u leh mabaad’iida aas-aasiga ah iyo xaquuqda Shaqada.

Previous Post

Nabadoon  Badal   “Waxaan soo jeedinayaa in  Madaxda ay xal ka gaaraan khilaafaadka   Arrimaha Doorashooyinka” Dhageyso

Next Post

Somalia wants to vaccinate 20% of its population

Next Post
Tallaalka Cudurka COVID19 oo maanta laga bilaabay Magaalada Muqdisho.

Somalia wants to vaccinate 20% of its population

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo...

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

June 5, 2025
0

Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud “Daqare”,ayaa lagu soo eedeeyay kamid ahaanshiyaha Argagixisada iyo in uu dadka ku tashkiilin jiray inay ku biiraan...

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

June 5, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Cumar Maxamed, ayaa furay maalinta labaad ee Shirweynaha...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

June 5, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Cali Xaaji Aaden, ayaa ka qayb galay shir heerkiisu sarreeyo oo ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In