Sunday, October 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 6, 2021
in Barnaamijyada, Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 70 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 8 qof ayaana u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 41 ruux.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Somaliland (39) Puntland (17) Jubbaland (7) gobalka Banaadir (5) iyo Koonfur Galbeed (2) qof, 47 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 23-na ay yihiin haween.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Kismaayo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Kismaayo

October 5, 2025
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal miino-baaris ah ka bilaabay deegaannadii laga xoreeyay Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal miino-baaris ah ka bilaabay deegaannadii laga xoreeyay Khawaarijta

October 5, 2025

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 11,978 waxaa bogsootay 5,058 Ruux. guud ahaan 576 ruux oo kale ayaa u geeriyootay.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Drs Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ku baraarujisay inay qaataan Tallaalka ka hortagga Caabuqa COVID-19 ee AstraZeneca, kaasi oo haatan si habsami leh uga socda gudaha dalka.

Previous Post

Hormuud Salaam Foundation oo 400 oo haamood oo Oxygen ah ku wareejisay Dowladda Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo bogaadiyey Howlwadeennada Gargaarka Caafimaad ee la tacaalaya COVID-19 “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble oo bogaadiyey Howlwadeennada Gargaarka Caafimaad ee la tacaalaya COVID-19 “SAWIRRO”

Ra'iisul Wasaare Rooble oo bogaadiyey Howlwadeennada Gargaarka Caafimaad ee la tacaalaya COVID-19 “SAWIRRO”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Kismaayo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Kismaayo

October 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(KISMAYO):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal miino-baaris ah ka bilaabay deegaannadii laga xoreeyay Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal miino-baaris ah ka bilaabay deegaannadii laga xoreeyay Khawaarijta

October 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA HOOSE):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Ciidamada AUSSOM ayaa maanta hawlgallo miino baaris ah ka wada magaalada Awdheegle...

Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS oo kormeeray xarunta Hay’adda Korontada Qaranka

Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS oo kormeeray xarunta Hay’adda Korontada Qaranka

October 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta kormeer shaqo ku...

Ciidamada Qaranka oo hawlgal ku dilay horjooge sare oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Qaranka oo hawlgal ku dilay horjooge sare oo ka tirsan Khawaarijta

October 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA HOOSE):-Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ay taageerayaan saaxiibada caalamiga ah, ayaa xoojiyay howlgalada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In