Wasiirka Gaashaandhigga X.F.S Xasan Xuseen Xaaji, ayaa boogaadiyay guulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ay ka gaareen howlgaladii ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobalka Galmudug
“Geesiyaasha naftood hurayaasha ah ee qarankeena waxay saaka la wareegeen deegaano hor leh oo ka tirsangobalka Galgaduud, Maamulka, shacabka iyo masuuliyiintii gacanta ka geestay xoreynta goobahaas waa ku mahadsanyihiin, Waxaana Shacabka Soomaaliyeed guud ahaan ka codsanayaa in C.X.D.S, ay ku garab istaagaan ciribtirka argagixisadda “ ayuu yiri Wasiirka Difaaca oo la hadlay Warbaahinta Qaranka.
Ciidanka Xoogga ayaa saaka barqadii la Wareegay Deegaanada Labi-dulle oo hore ay argagixisadda ku gumaadi jireen shacabka degaankaas.
Wasaaradda Gaashaandhigga J.F.S iyo Taliska Xoogga oo iskaashanaya ayaa wada qorshe ballaaran oo lagu ciribtiraayo argagixisadda Al- Shabaab.