Thursday, April 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa dhibcihii ugu badnaa ku adkaaday, una soo gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa dhibcihii ugu badnaa ku adkaaday, una soo gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 11-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankiisa 4aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Marka Vs Dharkeynley oo ka kala tirsan Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkan taabagelinaya Bangiga IBS.

Tartameyaasha labada degmo ee Marka Vs Dharkeynley ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Related posts

Degmada Waaberi oo lagu qabtay kulanka la dagaallanka maandooriyaha

Degmada Waaberi oo lagu qabtay kulanka la dagaallanka maandooriyaha

April 29, 2026
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo daahfuray shirka Taliyeyaasha EAC

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo daahfuray shirka Taliyeyaasha EAC

April 29, 2026

Marka

Tartameyaasha Degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen sadex su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Marka ay heleen waxay noqotay sideed (8) dhibcood.

Dharkeynley

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen dhaman 7-dii su’aal ee la weydiiyay, waxa ay ka faa’iideysteen saddex su’aal oo soo hareer martay Marka, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Dharkeynley waxay noqotay labaatan (20) dhibcood.

Hadaba kulankii 4aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareega xiga u soo gudbay tartamayaasha degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 5aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Garbahaareey iyo Xamar Weyne oo ka kala tirsan Gobollada Gedo iyo Banaadir.

Sawir Qaade:- Khadar Cali Nuur

Previous Post

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo Safiirka Ruushka kala hadlay arrimo labada dal muhiimad u leh “SAWIRRO”

Next Post

Mareykanka oo safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya

Next Post
Mareykanka oo safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya

Mareykanka oo safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya

Degmada Waaberi oo lagu qabtay kulanka la dagaallanka maandooriyaha

Degmada Waaberi oo lagu qabtay kulanka la dagaallanka maandooriyaha

April 29, 2026
0

Waxaa maanta Degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, lagu qabtay kulan dood-wadaag ah oo ku saabsanaa la-dagaallanka maandooriyaha, doodaas oo ay...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo daahfuray shirka Taliyeyaasha EAC

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo daahfuray shirka Taliyeyaasha EAC

April 29, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa si rasmi ah u daahfuray shirka Taliyayaasha Talisyada Sirdoonka...

Koofur galbeed, albaabka Iftiinka Dimuquraadiyadda. 

Koofur galbeed, albaabka Iftiinka Dimuquraadiyadda. 

April 29, 2026
0

koofurgalbeed, waxaa ka socda hardan dimuquraadi ah oo aad u xoog badan kaas oo ay ku baratamayaan dhamaan daneeyayaasha Doorashooyinka...

Hogaamiye Koonfur Galbeed oo Baydhabo ku qaabilay wafdi sare oo ka socda Qaramada Midoobay

Hogaamiye Koonfur Galbeed oo Baydhabo ku qaabilay wafdi sare oo ka socda Qaramada Midoobay

April 29, 2026
0

Hogaamiyaha ku-meel gaarka ah ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In