Sunday, February 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan

Tartamaayasha Degmada Xamar weyne oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamaayasha Degmada Xamar weyne oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 11-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankiisa 5aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Xamar weyne Vs Garbahaareey oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Gedo, waxaana barnaamijka sanadkan taabagelinaya Bangiga IBS.

Tartameyaasha labada degmo ee Xamar weyne Vs Garbahaareey ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Related posts

Ciidanka Kumaandooska Danab oo fuliyay hawlgal ka dhan ah Khawaarijta

Ciidanka Kumaandooska Danab oo fuliyay hawlgal ka dhan ah Khawaarijta

February 8, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay qarax ka dhacay masjid ku yaalla dalka Pakistan

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

February 8, 2026

Xamar weyne

Tartameyaasha Degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Garbahaareey, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Xamar weyne ay heleen waxay noqotay toban (10) dhibcood.

Garbahaareey

Tartamayaasha Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo ayaa waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen saddex su’aal oo kaliya, iyagoo iska qalday afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay dhigooda Xamar weyne, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Garbahaareey waxay noqotay sideed (8) dhibcood.

Hadaba kulankii 5aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareega xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 6aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Beladweyne  iyo  Boondheere oo ka kala tirsan Gobollada Hiiraan iyo Banaadir.

Sawir Qaade:- Khadar Cali Nuur

Previous Post

AMISOM, SNA military commanders set targets for joint operations against militants

Next Post

Guddoomiyihii Degmada Xamar jajab oo lagu dilay weerar gaadmo ah

Next Post
Guddoomiyihii Degmada Xamar jajab oo lagu dilay weerar gaadmo ah

Guddoomiyihii Degmada Xamar jajab oo lagu dilay weerar gaadmo ah

Ciidanka Kumaandooska Danab oo fuliyay hawlgal ka dhan ah Khawaarijta

Ciidanka Kumaandooska Danab oo fuliyay hawlgal ka dhan ah Khawaarijta

February 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA HOOSE):-Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa fuliyay hawlgal bartilmaameed ah oo ka...

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay qarax ka dhacay masjid ku yaalla dalka Pakistan

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

February 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Sabti, 7-da February, 2026 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho shaqo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬e 𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲𝐨 𝐁𝐢𝐥𝐥𝐢𝐜𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬e 𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲𝐨 𝐁𝐢𝐥𝐥𝐢𝐜𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

February 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayo soo bandhigidda iyo dardargelinta Biyo-Mareenka...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo qaabilay wafdi ka socday Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo qaabilay wafdi ka socday Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

February 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Muqdisho, Sabti, 07 Febraayo 2026: – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In