Saturday, September 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Siyaasadda Ku meel gaarka ah ee Suudaan oo isku raacay maxkamadeeynta Al Bashiir

caqiil by caqiil
5 years ago
in Wararka
0
Golaha Siyaasadda Ku meel gaarka ah ee Suudaan oo isku raacay maxkamadeeynta Al Bashiir
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shaki kuma jiro in Faylka maxkamadeynta Madaxweynihii xukunka laga tuuray ee Suudaan, Cumar  Xasan Al Bashiir, ee horyaalay Maxkamada Caalamiga ee Dambiyada uu ahaa mid kamid ah caqabado muddo dheer horyaalay dalka Suudaan.

In kastoo arrinkani wali uu mugdi ku jiran, madaxa Golaha Siyaasadda Ku meel gaarka ah ee Suudaan, Cabdul Fitaax Burhan, ayaa shaaca ka qaaday wareysi dheer oo uu siiyay TV-ga Al-Xadath, Jimcihii, in ay hayaan macluumaad muhiim ah oo ku saabsan Maxkamadeeynta Al Bashiir.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo ka qaybgalay kulan soo dhaweyn ah oo Madaxweynaha Ruushku kasoo qayb galay

Wasiirka Warfaafinta oo ka qaybgalay kulan soo dhaweyn ah oo Madaxweynaha Ruushku kasoo qayb galay

September 26, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna ku-simaha Madaxweynaha oo soo xiray tartanka kubadda kolayga ee General Daa’uud

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna ku-simaha Madaxweynaha oo soo xiray tartanka kubadda kolayga ee General Daa’uud

September 26, 2026

Burhan ayaa carrabka ku adkayay in Suudaan ay heshiis ku tahay arrinta maxkamadeynta madaxweynihii hore, balse waxuu intaa ku daray in Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada aysan wali dalbanin in loo gacangeliyo Al Bashiir.

Madaxweynahii hore ee Suudaan, ayaa horay loogu  eedeyay dambiyo ka dhan ah aadanaha iyo xasuuq la xiriira colaaddii Daarfuur, laakiin mid ka mid ah qareennadiisa ayaa shaaciyay in Al Bashiir uu marnaba  la macaamili doonin Maxkamada Caalamiga ah ee Dambiyada, isagoo xusay in garsoorka Suudaan uu awood u leeyahay maxkamadeeyntiisa.

Sanadahii 2008, 2009 iyo 2010, Maxkamadda Caalamiga ah waxay soo saartay waaran qabasho ah oo Cumar Al Bashiir, iyo tiro ka mid ah gacan yarayaashiisa lagu horkeenaayo Maxkamada Caalamiga ah.

Previous Post

Dad ku geeriyooday Shil gaari oo ka dhacay gobalka Nugaal

Next Post

Wasiirka Amniga XFS  oo ka hadlay arrimo ku saabsan amniga dalka

Next Post
Wasiirka Amniga XFS  oo ka hadlay arrimo ku saabsan amniga dalka

Wasiirka Amniga XFS  oo ka hadlay arrimo ku saabsan amniga dalka

Wasiirka Warfaafinta oo ka qaybgalay kulan soo dhaweyn ah oo Madaxweynaha Ruushku kasoo qayb galay

Wasiirka Warfaafinta oo ka qaybgalay kulan soo dhaweyn ah oo Madaxweynaha Ruushku kasoo qayb galay

September 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xalay ka qaybgalay kulan soo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna ku-simaha Madaxweynaha oo soo xiray tartanka kubadda kolayga ee General Daa’uud

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna ku-simaha Madaxweynaha oo soo xiray tartanka kubadda kolayga ee General Daa’uud

September 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Ahna ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa garoonka kubadda...

Soomaaliya oo ka qaybgashay Madasha Caalamiga ah ee Dhaqamada Midoobay

Soomaaliya oo ka qaybgashay Madasha Caalamiga ah ee Dhaqamada Midoobay

September 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta ka qaybgalay maalinta labaad...

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In