Carruurtani oo ku dhaawacantay Hoobiyaal argagixisada Al-shabaab ku tuureen Dugsi lagu barto Qur’aanka kariimka oo ku yaal gudaha degmada Awdheegle ayaa sacadihii ugu danbeeyay la soo gaarsiiyay Magaaladda Muqdisho si loogu dabiibo xaaladoodda caafimaad.
Dhawacayada Carrurtaan oo tiradooda gaareyso 14 oo uu ku jiro Macalinkii Dusiga Qur’aanka u dhigayay carruurtaasi aya hada lagu Daweeynayaa isbitaalka Xoogga Dalka,waxaana arintani ay muujineysaa ficillada cadawtinimadda ah ee argagixisadu ku doonayaan in ay ku dhibateeyaan Shacabka
Macalin Dugisga u dhigayay carurtaan oo la hadalay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in marka uu dhibku soo gaaray carruurtan ay si deg-deg ah ugu soo gurmadeen Ciidamada xoogga Dalka ee ku sugan degmada Awdheegle oo daryeel caafimaad u fidiyay carurtan.
Ficiladan foosha xun ayaa qeyb ka gumaadka an kala sooca lahayn ee cadawga argagixisada AL-Shabaab ku dhibateyaan dadka maatida ah ee waxba galabsan.