Wednesday, June 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Boqolaal Muslimiin ah oo lagu xiray Bangladesh

caqiil by caqiil
5 years ago
in Wararka
0
Boqolaal Muslimiin ah oo lagu xiray Bangladesh
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Booliska Bangladesh ayaa xiray boqolaal Islaamiyiin ah usbuucii la soo dhaafay, ka dib markii lagu eedeeyay in ay horkacayeen banaanbaxyo dhiig badan ku daatay oo looga soo horjeeday booqashadii Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi, dalkaas booqasho ku tagay dhamaadkii bishii Maarso ee la soo dhaafay.

Banaanbaxyadan ayaa waxaa hogaaminayay inta badan dad ka mid ah kooxda “Ilaaliyaasha Islaamka”, kuwaa  oo Modi, ku eedeeyay inuu hurinayo rabshado diimeed ka dhan ah Muslimiinta ku dhaqan India, Booliska ayaa ku dhawaaqay qabashada hogaamiyaha dhaqdhaqaaqa Ilaaliyaasha Islaamka, Meynuun Al-Xaq,  Axadii la soo dhaafay, ka dib markii ciidamada ay weerareen goob uu ka socday shir islaami ah oo ka dhacay caasimada dalkaasi ee Dhaka.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026

Wakaaladda wararka France Presse, soo xigatay afhayeenka u hadlay Booliska Bangladesh, ayaa yiri “Toddobaadkan, waxaan gacanta lagu soo dhigay hoggaamiyihii toddobaad ee dhaqdhaqaaqa, Ilaaliyaasha Islaamka, Meynuun Al-Xaq, isagoo ku eedeeyay abaabulka dibad baxyo rabshad watay oo ay geysteen Xarakadan.

Booliska ayaa sheegay in 298  xubnood iyo qaar ka mid ah taageerayaasha dhaqdhaqaaqan laga soo qabtay bariga wadanka.

Waxaa la filayaa in dacwad lagu soo oogi doono maxaabiistan loo xirxiray rabshadahii dhacay intii lagu jiray mudaharaadyadii looga soo horjeeday booqashadii Ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi iyo banaanbaxyadii dhacay sanadkii 2013,  oo ay ku dhinteen dad gaaraya 50 qof.

Dhinaca kale, afhayeen u hadlay  ilaalada Islaamka, oo lagu magacaabo Zakariye Nucmaan Al-Faydi, ayaa sheegay in Booliisk Bangaladheesh, ay xireen 23 hogaamiye, isaga oo intaa ku daray in eedeymaha lagu soo oogay ay yahiin been abuur.

Waxaa xusid mudan in dhaqdhaqaaqa “Ilaalada Islaamka” ay abaabuleen mudaaharaad sanadkii 2013, iyaga oo dalbanaayay in la soo saaro sharci ka dhan ah cayda diinta Islaamka, kaas oo ay ku dhinteen tobanaan qof.

Previous Post

Roobab xoogan oo ka da’ay deegaano ka tirsan Gobolka Bakool “Sawirro”.

Next Post

Carruur ku dhaawacantay Hoobiyaal ay soo rideen Argagixisada Al-shabaab oo Muqdisho lagu daweeynayo.

Next Post
Carruur ku dhaawacantay Hoobiyaal ay soo rideen Argagixisada Al-shabaab oo Muqdisho lagu daweeynayo.

Carruur ku dhaawacantay Hoobiyaal ay soo rideen Argagixisada Al-shabaab oo Muqdisho lagu daweeynayo.

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali Yaasin Gurbe, ayaa maanta ka qeyb galay shir heer sare ah...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – 2 Juun 2026: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa...

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

June 2, 2026
0

Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo loogu furay tababar lagu xoojinayo fahamkooda ku aaddan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay Kulanka Wasiirrada Afrika la yeesheen Madaxweyne Lee Jae-myung

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay Kulanka Wasiirrada Afrika la yeesheen Madaxweyne Lee Jae-myung

June 2, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka qeyb galay kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In