Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan

Tartamayaasha Degmada Yaaqshiid oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Yaaqshiid oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 11-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankiisa 9aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Yaaqshiid Vs Jowhar  oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana barnaamijka sanadkan taabagelinaya Bangiga IBS.

Tartameyaasha labada degmo ee  Yaaqshiid  Vs Jowhar ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Related posts

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026

Yaaqshiid

Tartameyaasha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Afar  su’aal, halka ay iska qaldeen Saddex  su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Jowhar, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Yaaqshiid  ay heleen waxay noqotay Toban iyo labo (12) dhibcood.

Jowhar

Tartamayaasha Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen labo su’aal oo kaliya, waxa ay iska qaldeen shan su’aal, Ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Jowhar waxay noqotay Afar (4) dhibcood.

Yaxye Cali Faarax oo ka mid ah guddiga tartanka ayaa sheegay in tartamayaasha Degmada Jowhar ay caawa ku kaceen fal anshax xumo ah oo hareer marsan sharciga tartanka u yaalo, sidaa darteed Guddiga anshaxa ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka laga sugayo inay tallaabo ka qaadaan tartamayaasha Degmada Jowhar.

Hadaba kulankii 9aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Habeen dambe oo ah habeenka 10aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Samareeb iyo  Howlwadaag oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud iyo Banaadir.

Sawir qaade:- Khadar Cali Nuur

Previous Post

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo kulan la qaatay Madaxdii guddiyada Doorashooyinka “SAWIRRO”

Next Post

Iiraan oo walaac ka muujisay shirkii  Nukliyeerka ee ka socday Vienna

Next Post
Iiraan oo walaac ka muujisay shirkii  Nukliyeerka ee ka socday Vienna

Iiraan oo walaac ka muujisay shirkii  Nukliyeerka ee ka socday Vienna

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
0

Magaalada Edmonton gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen Aqoonyahanno...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In