Monday, November 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Afrika qaarkood oo ka hadlay dilka Madaxweynihii Chad

caqiil by caqiil
5 years ago
in Wararka
0
Madaxda Afrika qaarkood oo ka hadlay dilka Madaxweynihii Chad
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hoggaamiyeyaasha Afrika, qaarkood ayaa ka hadlay geeridii ku timid madaxweynihii Chad Idriss Déby, oo la toogtay xilli qeybo ka mid ah dalkiisa ay ka socdeen dagaallo.

Madaxweynaha Niger Mohamed Bazoum, oo ka hadlay geerida Idriss Déby,  ayaa qirey in Mr Déby uu si qoto dheer ula dagaalamay argagixisada, waxuuna intaa ku daray inuu door firfircoon ka ciyaari lahaa la dagaalanka kooxda islaamiyiinta ee Boko Haram ee ka dagaalanta gudaha dalkiisa.

Related posts

Wasiirka Beeraha XFS oo Nairobi ka daah-furay Bandhigga Ganacsiga 25-aad ee EAC

Wasiirka Beeraha XFS oo Nairobi ka daah-furay Bandhigga Ganacsiga 25-aad ee EAC

November 9, 2025
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Oo Dhismaha Xarun Cusub Ka Xarig Jaray Baraawe

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Oo Dhismaha Xarun Cusub Ka Xarig Jaray Baraawe

November 9, 2025

Hogaamiyaha reer Cameroon Paul Biya, ayaa geerida ku tilmaamay madaxweynaha Chad, ku tilmaamay khasaare aad weyn oo soo gaaray bartamaha Afrika iyo guud ahaan qaaradda.

Madaxweynaha Koonfur Afrika sheegay inuu “si murugo leh u helay warka naxdinta leh ee dhimashada deyby” wuxuuna  yiri: “Waxaan si adag u cambaareyneynaa rabshadaha galaaftay nolosha dad aad u fara badan, oo uu ku jiro Madaxweyne Déby”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo Felix Tshisekedi, oo sidoo kale ah madaxweynaha Midowga Afrika, ayaa yiri “geerida Idriss Déby, waxay khasaaro weyn u tahay Chad iyo Afrika oo dhan”.

Idriss Déby, oo 68 jir ahaa ayaa ciidanka booqanayay xilli ay xoogagga fallaagada ku ah dowladdiisa ku howlanayeen olole ay damacsanayeen ay ku qabsadaan dhul hor leh.

Dagaalka madaxweynaha lagu dilay waxaa fuliyay fallaagada ku sugan xadka u dhaxeeya Chad iyo Liibiya, halkaas oo ah goobta uu tagay Déby.

Previous Post

Horjoogayaal katirsan Al-shabaab oo lagu dilay duqeeyn kadhacday Gobolka Shabeelaha hoose

Next Post

Wafdi ka socda Xukuumadda Soomaaliya oo gaaray Magalada Baydhabo

Next Post
Madaxda Afrika qaarkood oo ka hadlay dilka Madaxweynihii Chad

Wafdi ka socda Xukuumadda Soomaaliya oo gaaray Magalada Baydhabo

Wasiirka Beeraha XFS oo Nairobi ka daah-furay Bandhigga Ganacsiga 25-aad ee EAC

Wasiirka Beeraha XFS oo Nairobi ka daah-furay Bandhigga Ganacsiga 25-aad ee EAC

November 9, 2025
0

Wasiirka Beeraha XFS ayaa Magaalada Nairobi ka daah-furay Bandhigga Ganacsiga 25-aad ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) oo...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Oo Dhismaha Xarun Cusub Ka Xarig Jaray Baraawe

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Oo Dhismaha Xarun Cusub Ka Xarig Jaray Baraawe

November 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BARAAWE):-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa maanta gaaray degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose,...

Guddiga Arrimaha Gudaha Iyo Dib-U-Heshiisiinta Arrimaha Federaalka Oo Kulan Su’aalo Waydiin Ah Layeeshay Qaar Kamid Ah Mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Guddiga Arrimaha Gudaha Iyo Dib-U-Heshiisiinta Arrimaha Federaalka Oo Kulan Su’aalo Waydiin Ah Layeeshay Qaar Kamid Ah Mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha

November 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Arrimaha Gudaha, Dib-u-Heshiisiinta, Arrimaha Federaalka iyo Xiriirka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskooda ugu...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Oo Baaq Ka Soo Saartay Dilal Iyo Beegsi Ka Dhacay Dalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Oo Baaq Ka Soo Saartay Dilal Iyo Beegsi Ka Dhacay Dalka

November 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa baaq nabadeed kasoo saartay, Dilalka iyo Beegsiga ka baxsan Diinta Islaamka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In