Tuesday, July 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Afrika qaarkood oo ka hadlay dilka Madaxweynihii Chad

caqiil by caqiil
5 years ago
in Wararka
0
Madaxda Afrika qaarkood oo ka hadlay dilka Madaxweynihii Chad
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hoggaamiyeyaasha Afrika, qaarkood ayaa ka hadlay geeridii ku timid madaxweynihii Chad Idriss Déby, oo la toogtay xilli qeybo ka mid ah dalkiisa ay ka socdeen dagaallo.

Madaxweynaha Niger Mohamed Bazoum, oo ka hadlay geerida Idriss Déby,  ayaa qirey in Mr Déby uu si qoto dheer ula dagaalamay argagixisada, waxuuna intaa ku daray inuu door firfircoon ka ciyaari lahaa la dagaalanka kooxda islaamiyiinta ee Boko Haram ee ka dagaalanta gudaha dalkiisa.

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS oo saxiixday buugga tacsida ee Amiirkii hore ee Qatar

Wasiirka Qoyska XFS oo saxiixday buugga tacsida ee Amiirkii hore ee Qatar

July 14, 2026
Safiirka Soomaaliya ee Sweden oo booqasho tacsiyeed ku tegay Safaaradda Qatar ee Stockholm

Safiirka Soomaaliya ee Sweden oo booqasho tacsiyeed ku tegay Safaaradda Qatar ee Stockholm

July 14, 2026

Hogaamiyaha reer Cameroon Paul Biya, ayaa geerida ku tilmaamay madaxweynaha Chad, ku tilmaamay khasaare aad weyn oo soo gaaray bartamaha Afrika iyo guud ahaan qaaradda.

Madaxweynaha Koonfur Afrika sheegay inuu “si murugo leh u helay warka naxdinta leh ee dhimashada deyby” wuxuuna  yiri: “Waxaan si adag u cambaareyneynaa rabshadaha galaaftay nolosha dad aad u fara badan, oo uu ku jiro Madaxweyne Déby”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo Felix Tshisekedi, oo sidoo kale ah madaxweynaha Midowga Afrika, ayaa yiri “geerida Idriss Déby, waxay khasaaro weyn u tahay Chad iyo Afrika oo dhan”.

Idriss Déby, oo 68 jir ahaa ayaa ciidanka booqanayay xilli ay xoogagga fallaagada ku ah dowladdiisa ku howlanayeen olole ay damacsanayeen ay ku qabsadaan dhul hor leh.

Dagaalka madaxweynaha lagu dilay waxaa fuliyay fallaagada ku sugan xadka u dhaxeeya Chad iyo Liibiya, halkaas oo ah goobta uu tagay Déby.

Previous Post

Horjoogayaal katirsan Al-shabaab oo lagu dilay duqeeyn kadhacday Gobolka Shabeelaha hoose

Next Post

Wafdi ka socda Xukuumadda Soomaaliya oo gaaray Magalada Baydhabo

Next Post
Madaxda Afrika qaarkood oo ka hadlay dilka Madaxweynihii Chad

Wafdi ka socda Xukuumadda Soomaaliya oo gaaray Magalada Baydhabo

Wasiirka Qoyska XFS oo saxiixday buugga tacsida ee Amiirkii hore ee Qatar

Wasiirka Qoyska XFS oo saxiixday buugga tacsida ee Amiirkii hore ee Qatar

July 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta ku saxiixday buugga...

Safiirka Soomaaliya ee Sweden oo booqasho tacsiyeed ku tegay Safaaradda Qatar ee Stockholm

Safiirka Soomaaliya ee Sweden oo booqasho tacsiyeed ku tegay Safaaradda Qatar ee Stockholm

July 14, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Sweden Cabdikariin Maxamed ayaa booqasho tacsiyeed ku tagay Safaaradda Dowladda Qatar ee Stockholm,...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kulan la qaadatay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Pakistan

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kulan la qaadatay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Pakistan

July 14, 2026
0

Islamabad, Pakistan – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta...

DfS oo Golaha ECOSOC ku soo bandhigtay horumarka ay ka gaartay dhaqaalaha, amniga

DfS oo Golaha ECOSOC ku soo bandhigtay horumarka ay ka gaartay dhaqaalaha, amniga

July 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdi Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa khudbad rasmi...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In