Sunday, June 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo digniin u jeedisay Dalalka Jabuuti iyo Kenya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 22, 2021
in Wararka
0
Xukuumadda FS oo soo saartay go’aanno looga hortagayo faafitaanka cudurka COVID-19
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cismaan Abuukar Dubbe oo shacabka si toos ah ugala hadlayay Warbaahunta Qaranka ayaa uga digay Dowladaha Jabuuti iyo Kenya inay farageliyaan go’aamada ka soo baxaya Midowga Afrika.

“Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika waxa ay horaanta todobaadkan ka wada hadleen sidii Midowga Afrika uu kaalin wax ku ool ah uga qaadan lahaa, sidii Soomaaliya ay uga qabsoomi lahayd doorasho qof iyo cod ah oo si xor iyo xalaal ah oo ay u dhanyihiin dhamaan bulshada” ayuu yiri Wasiir Dubbe.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025

Wasiirka ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka digeyso faragalin shisheeye oo lagu sameeyo arrimaha gudaha dalka iyo in dowlado Soomaaliya xurguf kala dhexeyso ay guddiga amniga iyo Nabadda Midowga Afrika u adeegsadaan ku xadgudubka gobonimada iyo madax banaanida JFS.

“Urrurada aan xubinta ka nahay, Diblomaasiyiinta Shiyeeshe iyo Saaxiibada kale ee diblomaasiyadda Soomaaliya kala dhexeyso , waxaan si cad ugu sheegeynaa in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu yahay hay’adda ugu sarreyso ee sharci dejinta dalka, xeerarka ka soo baxana ay yihin go’aanka ugu dambeeya ee Qeenuuniga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xukuumaddana ay tahay hay’adda fulisa xeerarkaas Dastuuriga ah” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Previous Post

Warka Duhurnimo

Next Post

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo Golaha Ammaanka Midowga Afrika uga warbixiyay xaaladda dalka

Next Post
Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo Golaha Ammaanka Midowga Afrika uga warbixiyay xaaladda dalka

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo Golaha Ammaanka Midowga Afrika uga warbixiyay xaaladda dalka

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In